Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo saaka aroortii hore ka qarxay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka ee dowladda iyo dad shacab ah oo hubeysan.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda xerada Kooxdii Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku taalla halkii ahayd Salaan saarka ee xaafadda Tarabuunka, waxaana shacabka oo muddo dheer deganaa ay ka biyo diideen inay isaga baxaan dhulkaasi, taas oo keentay isku dhaca.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo weeraray maleeshiyaad deegaanka ah oo isku uruursanayay halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa iyo hadda ka socda aagga Tarabuunka.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo weli sii wada howlgalka iyo difaac xooggan oo ay ku jiraan dadka deegaanka ee hubeysan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dad kale oo rayid ah oo ka agdhowaa halkaas.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha ururka 2-aad ee guutada 22-aad ee Boolis Milataaro Mire Sahal, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliska ay haatan gaareen aagga lagu dagaalamayo ee Tarabuunka.
Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay barakicinta dhulalka danta guud, waxaana dowladda ay illaa iyo hadda ku guuleysatay inay la wareegto dhulalkii ugu badnaa ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

