Aqalka Sare oo deg deg u ansixiyay 3 sharci + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay saddex sharci oo muhiim ah, kuwaas oo horay u soo maray Golaha Shacabka.

Senatorada Aqalka Sare ayaa hal-mar wadar ogol ku ansixiyay labada sharci ee kala ah 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 iyo 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, waxaana ogolaaday 31 Senator oo xaadiray kulanka.

Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, kaas oo ay isna ansixiyeen 30 Senator, sida uu shaaciyay guddoonka.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cismaan Diiriye oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Senatorada Golaha Aqalka Sare, kadib ansixintooda Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta.

Dhankiisa agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka faceliyay tallaabada Golaha Aqalka Sare, isaga oo uga mahad-naqay meel-marinta 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, kaas oo maanta la horgeeyay Aqalka Sare.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in sharcigan uu muhiim u yahay guud ahaan adeegga socdaalka dalka.

“Sharciga Socdaalka wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay tayeynta adeegga socdaalka dalka, isu socodka waddamada gobolka iyo kuwa caalamka,” ayuu yiri Cabduqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimaha hay’ada Socdaalka & Jinsiyada ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu dhawaanansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka.

Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana horay usoo meel-mariyay guddigan xubnaha Golaha Shacabka.