Sawirro: Xasan Sheekh oo furay shirka Baydhaba iyo Villa Somalia oo shaacisay 3 qodob

Baydhaba (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhaba ka daah-furay shir u dhexeeyo dowladda federaalka, qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa saddex qodob oo kala ah; qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa arrimaha siyaasadda, dastuurka iyo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa shirkaas ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku gacan seyray waan-waan & fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda caalamka.

Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka ka furmay Baydhabo sabab uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiray shirka Baydhaba, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Dhankiisa aqoonyahan Cabdimaalik Xuseen oo ka falceliyay shirka magaalada Baydhaba ayaa sheegay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka looga baahan yahay inay is ogolaadaan, kadibna ay isku tanaasulaan, si ay go’aan wadajir ah u gaaraan.

“Shirarkan oo kale waa loo baahan yahay in la qabto aalaaba marka waxaa loo baahan yahay in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ay is ogolaadaan, ay isku calool fiyoobaadaan, tanaasulaadna ay isku sameeyaanm,” ayuu yiri Cabdimaalik Xuseen.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.