Heshiiskii nabadeynta ee GALMUDUG oo burburay kadib arrin maanta dhacday

Dhuusaramareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu burburay heshiiskii nabadeynta ee ay horay dolwlad goboleedka Galmudug u kala dhex-dhigtay beelaha ku dagaalamaya gobolkaasi.

Fashilka ayaa yimid, kadib markii ay maanta dilal qorsheysan siyaabo kala duwan uga dhaceen qaybo ka mid ah gobolkaas, taas oo horseedaysa xiisad horleh.

Weerarka koowaad oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka yoocaale  oo u dhexeeya degmooyinka Balanballe iyo Xeraale, halkaas oo lagu dilay nin xoolo dhaqato ahaa, halka lagu dhaawacay mid kale.

Ninka dhaawaca oo ay xaaladdiisu liidato ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la geeyay isbitaalla degmada Balanballe, si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in falkaasi ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab beeleed, kadibna ay baxsadeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aaanooyin qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale rag hubeysan ayaa isla maanta gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galhaduud ku dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Cawil dhagruur, wuxuuna kamid ah dadka deegaanka.

Taliska Booliska ee degmada  Caabudwaaq oo ka hadlay dilkaas ayaa shaaca ka qaaday in ay dad usoo qab qabteen falkaasi, kadib howlgallo ay sameeyeen.

Illaa iyo hadda ma jiiro wax hadalah oo kasoo baxay madaxda sare ee maamul goboleedka Galmudug oo ku aadan dilalkaasi.

Maalmo kahor ayey aheyd markiii ay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee  Galmudug soo bandhigtay heshiis la kala dhex-dhigay beelahaan, si loo joojiyo colaadda ka taagan deegaanadeeda, waxaase muuqata in weli sii sii socdaan weerarada abaabulan iyo dilalka.