PUNTLAND oo ka hortimid qorshe ay DF Soomaaliya rabto inay ku qaadato…

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay kasoo horjeedo qorshe ay dowladda federaalka ku doonayso in deymo cusub uga qaadato dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

“Puntland ma taageerayso hindisaha lagu amaahinayo hay’addaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahaani waxa uu ka dhigi doonaa in carruurta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeeshaan deyn-bixiyayaasha,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xilligaan kasoo horjeedan in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasi oo uu tilmaamay in wax uusan kasoo gaarin deegaanadooda.

“Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya, noomana yimaadan.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.”

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana dowladda federaalka ay qorshaynayso qaadashada deyn cusub, iyada oo adeegsanaysa nidaamka cusub ee indhaha beesha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dabayaaqada sanadkii hore shaaciyay in dowladda ay qaadaneyso boqolaal bilyan oo dollar, taasi oo lagu hirgelin doono mashaariic horumarineed sidda isbitaallo iyo iskuulo waaweyn guud ahaan dalka.

“Shan bilyan ayaa la tacaaleynay muddo sanado ah in nagala cafiyo. Boqolaal bilyan oo deyn ah ayaa qaadan doonaa ileen dalka in aan dhisno ayaan u baahanahay. Waxaa galineyna deyntaas meel dakhli ka imaanaya oo iskaga gudi karno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.