Daawo: Qaar ka mid ah ardayda magaalada Muqdisho oo ku biiray ciyaal-weerada

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi) oo ka qay-galaya shirka qaran ee waxbarashada ee weli ka socda magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan gudaha caasimadda gaar ahaan halista kooxaha ciyaal weerada ee gobolka Banaadir.

Koonfi ayaa shaaciyay in khatarta kooxahan ay gaartay goobaha waxbarashada ee Muqdisho, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen habsami u socodka waxbarashada.

“Dhalinyarada ku jira xaaladda aan u bixinay ciyaal weerada oo gobolka degmooyin ka tirsan ka jira waxay saameyn toos ah mid dadban ku leeyihiin dugsiyada waxbarasho ee gobolka Banaadir, gaar ahaan ardayda,” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi).

Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qaar kamid ah ardayda ku dhaqan gobolka Banaadir iskuulada dhexdooda laga soo duufsaday, isla-markaana ay si toos ah ugu biireen kooxahaas oo haatan dhibaato ku hayo shacabka.

“Tusaale haddii aan kasoo qaadno waxaa jira qaar badan oo ardayda dugsiyada aheyd oo isla dugsiyada dhexdooda laga soo duufsaday oo waxbarashada isaga haray, kadibna kamid noqday kooxahaasi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimihii hay’adda socdaalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan arday kale oo isaga haray waxbarashada, kadib cabsi kasoo wajahday inay dhibaato u geystaan kooxaha ciyaal weerada.

Maxamed Aadan Koofi ayaa xusay in dhalinyarada ciyaal weerada ay taagan yihiin waddooyinka, taasina ay cabsi ku bartay waalidiinta ardayda ka haray waxbarashada.

“Waxaa kaloo jirtay arday waxbarashada isaga hartay oo cabsi aawgeed, waalidkuna u garteen in ay suurtagal aheyn in dugsiyada ay aadaan, sababtoo ah waddooyinka ayey taagan yihiin, dugsiyada inay joogaan ayaa xittaa suuragal ah”. ayuu markale yiri Koofi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu Muqdisho ka socdo howlgal culus oo lagula dagaalamayo ciyaal weerarada iyo burcadda, kaas oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda, halka dhinac kale ay Al-Shabaab, ayaduna billowday inay beegsato ciyaal weerada iyo ragga ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan caasimada.