26.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Aqalka Sare oo go’aan ka gaaray kulankii kiiska Qalbi Dhagax ee maanta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in dib loo dhigay ka doodista iyo go’aan ka gaarida Kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax.

Xubnaha qaar ayaa soo jeediyay in Ajandaha laga saaray Kiiskaan oo dib loo dhigo, waxa ayna golaha soo hordhigeen Mooshin ay ku dalbanaya in dib loo dhigo ka doodista kiiskan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay ku dhawaaqay in Aqalka Sare uu maanta ka doodayo go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax sax iyo qalad.

Hase ahaatee Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare oo ay hoggaaminayeen Senatora Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Dhagey ayaa Golaha Aqalka sare horgeeyay mooshin ay ku dalbanayaan in ajandaha laga saaro kiiskan.

Buuq iyo jahwareer badan oo hareeyay kulanka Golaha Aqalka sare ayaa Guddoonka Aqalka sare waxaa uu go’aamiyay in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga dodo.

Golaha ayaa isku raacay in Ajandaha laga saaro kiiskan dibna loo dhigo, 21 Xildhibaan ayaa u codeeyay in kiiskan dib loo dhigo, 11 ayaa ka soo horjeestay oo diiday halka 4 Xildhibaan ay ka aamuseen.

- Advertisement -

Read more

Local News