Aqalka Sare oo go’aan ka soo saaraya arrin walaac ku abuurtay HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Hirshabeelle ayaa ka hadlay walaaca maamulkaasi ka qabo in seddex saldhig oo ciidamada Burundi ku leeyihiin Hirshabeelle ka bixi doonaan ciidamadaasi.

Arrinta ayaa ka dambeysay kadib markii walaacaasi aqalka sare uu u gudbiyay wasiirka wasaarada amniga ee maamulka Hirshabeelle Mr Jeele oo kulan gaar ahaa la qaatay xubnaha aqalka sare.

Senetor Macow oo kamid ah xubnaha Hirshabeelle ku matala aqalka sare ayaa sheegay inay arkeen cabashada ay qabaan maamulka Hirshabeelle, islamarkaana ay si gaar ah u eegi doonaan cabashadaasi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wali aan la gaarin waqtigii ciidamada xooga dalka la wareegi lahaayeen amaanka dalka Soomaaliya, Islamarkaana Hirshabeelle ku taalo goob muhiim ah.

”Wali lama gaarin xiligii Dowlada Amniga kala wareegi laheed AMISOM Aqalka Sare Go’aan ayuu ka qaadan doonaa Cabashada Hirshabeelle, waan aragnay cabashada ay qabaan, madaxweynaha iyo madaxda kale ayaan u gudbin doonaa, go’aan ayaana laga gaari doonaa”ayuu yiri Senator Macoow.

Madaxweyne Waare oo dhawaan la kulmay madaxda ugu sareyso AMISOM ayaa sheegay in midowga Africa ay ku qancin waayeen in ciidamada Burundi ay sii joogaan Soomaaliya, maadaama ciidamada ugu badan ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com