29.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Aqri: Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis ay Somalia gashay, war culusna kasoo saaray dagaalkii Awdheegle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay guulaha xooggan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howl-gallada kale ee lagu baacsanayo argagaxisada.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka XFS oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku kasoo hooyeen dagaalkii degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagaxisada.

Intii uu shirku socday ayaa golaha wasiirradu waxa ay ansixiyeen heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya wasaaradaha Shaqada ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Golaha wasiirrada ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee hor yalla golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay gadaal ka riixeyso dowladda Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News