Beesha Caalamka oo digniin culus kasoo saartay doorashada Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa digniin saartay doorashada madaxweynaha ee dhowaan ka dhicin doonta Jubaland, taasi oo si aad ah la isugu hayo, kadib wafdi maanta tagay Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu sheegay in wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan, iyo wakiilada Midowga Afrika iyo IGAD ee Soomaaliya ay maanta u safreen magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxda Jubaland iyo guddiga doorashada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wafdiga beesha caalamka ay la dhaceen sida ay dhammaan dhinacyada ku lugta leh arrintan uga go’an tahay wada-hadal iyo inay si taxaddar leh u dhageystaan fikradaha kala duwan ee ku aadan doorashada.

“Ayada oo la qirayo in doorashadan ay tahay mid si culus la isugu hayo, wafdiga beesha caalamka waxay walaac ka muujiyeen in haddii ana la xalin xaaladdan, ay Jubaland ku yeelan karo saameyn xasilooni darro ah, xilli ay muhiim tahay joogteynta midnimada iyo xasiloonida.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wakiilada QM, Midowga Afrika iyo IGAD waxay ku celiyeen baahida loo qabo hal hannaan oo doorasho oo waafaqsan dastuurka Jubaland iyo kan qabyada ah ee federaalka Soomaaliya.”

Waxay ku baaqeen in horumar lagu sameeyo hanaanka doorashada ee iminka uu horkacayo guddiga doorashada Jubaland, si loo xaqiijiyo in doorashada ay noqoto mid la isku haleyn karo, loo dhan yahay, islamarkaana ay ku heshiin karaan dhammaan dhinacyada Jubaland.

Waxay ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan ficil kasta oo rabshad iyo cabsi gelin ah, islamarkaana khilaafyada jira ay ku xaliyaan wada-hadal, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka ee ku wajahan hanaanka doorashada si uu u noqdo mid la aqbali karo, la isku haleyn karo oo dhex-dhexaad ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wakiilada QM, Midowga Afrika iyo IGAD ay sii wadi doonaan inay arrimahan kala hadlaan dhinacyada ay quseyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com