Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xarig loo gaystay dhalinyaro kasoo horjeestay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira hanaanka doorashooyinka dalka.
Farmaajo ayaa tilmaamay in xarigga dhalinyarada iyo wariyeyaasha oo soo noq noqday looga gol-leeyahay in looga hortago kacdoonka bulshada, sida uu hadalka u dhigay.
“Xarigga iyo caburinta isdabajoogga ah ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu kula kacayo dhallinyarada iyo haldoorka Muqdisho, si uu u xakameeyo kacdoonka bulshada ee diiddan eexda, musuqa iyo barakaca, waa mid dhaawacaya dowladnimada, siina hurinaya guuxa iyo gadoodka shacabka,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Sidoo kale, wuxuu farriin culus u diray hay’adaha amiga, gaar ahaan Booliska oo uu ku adkeeyay inay ka fogaadaan dhibaateynta shacabka, gaar ahaan dhulboobka iyo caburinta lagu hayo.
“Ciidanka Soomaaliyeed waxaa loo aas-aasay ilaalinta shacabka, difaaca karaamada muwaadiniinta, sugidda amniga iyo dhowrista xuquuqda dadka Soomaaliyeed. Sidaas darteed, waxaan adkaynayaa in hay’adaha amniga ay ka fogaadaan fal kasta oo shacabka ku abuuraya cabsi, barakac iyo kalsooni darro, ayna ka taxadaraan in loo adeegsado dano shakhsi ah iyo xukun maroorsi,” ayuu mar kale yiri Maxamed Farmaajo.
Waxaa kale oo uu raaciyay “Marar badan ayaan ka dignay falalkan dhaawacaya dowladnimada, sumcadda qarannimada iyo kalsoonida shacabka, kuwaas oo dhulboobka, caburinta iyo ku tagri-falka awoodda ay saldhig u yihiin. Maanta waxaa taagan natiijada laga dhaxlay oo ay ugu horreyso isku dhacyo ciidan iyo shacab caraysan oo jidadka u taagan difaaca karaamadooda iyo nolashooda”.
Farmaajo oo maalmahan qoraallo soo saarayay ayaa horay u sheegay in Jimcaha soo socda oo ku beegan 15 May 2026 ay tahay maalintii ugu dambeysay ee muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u ugu baaqay in muddada yar ee u hartay uu xoogga saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay oo ay ku wada qancaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan hor leh.
Dalabka Farmaajo ayaa kusoo aadaya, xilli mucaaradku isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.vMucaaradka ayaa raba in dibadbaxa ay qeyb weyn ka noqdaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

