DENI oo amar culus dul dhigay golihiisa wasiirada

Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni aya soo saaray amar culus oo la xariira amniga, kadib markii uu guuddoomiyey shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka Puntland.

Deni ayaa faray dhammaan golaha wasiirada, saraakiisha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulkaasi in muhiimada 1-aad la siiyo sugida amniga.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay diirada saari doonto ka shaqeynta amniga, si loo helo nabad geylyada waarta.

‘’Madaxweynaha Puntland ayaa faray dhammaan golaha wasiirada, saraakiisha iyo mas’uuliyiinta kale heer gobol iyo heer degmo in muhiimada koowaad la siiyo ka wada shaqeynta amniga oo ah yoolka koowaad ee maamulka.’’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn Deni ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com