Doorashada JUBALAND: DAGAAL iyo isku dhac bay qarka u saaran tahay

Haddii aan ka qiyaas qaadano jawiga siyaasadeed iyo kan amaan ee hadda ka jira Kismayo, iyo sidii wax u dhacayeen dhowrkii bilood oo la soo dhaafay, gaar ahaan tallaaboyinkii amar ku-taaglaynta ahaa ee uu qaaday Axmed Madobe oo uu ku dhisay guddiga doorashooyinka, xulashada oday dhaqameedyada iyo xilidhibaanada ay odayaashashi soo xuleen, ku gacan sayridda talooyinkii Amisom, IGAD, iyo ergayga qaramada midoobay u fadhiya Soomaaliya, talooyinkaas oo ahaa in doorashadada dib loo dhigo si murashixiita oo dhammi ay uga qayb galaan, in doorashadu noqoto mid loo wada siman yahay oo u dhacda hab madaxbanaan oo daah furan, kaas oo amaanka tartamayaasha ay sugayaan ciidamo ka madax banaan fara gelin shiyeeye iyo mid siyaasadeedba, waxa suuragal ah inuu dhaco isku dhac ciidan oo dhiig ku daato isla markaana gaysta khasaare iyo bur-bur hanti dadwayne iyo mid dawladeed labadaba.

Ilaa iyo haddana ma muuqato si loo baajin karo isku dhacaas iyo fashilka siyaasadeed oo ka dhalan kara.

Maxaa Axmed Madoobe lagu eedaynayaa?

Axmed Madoobe waxa lagu eedaynayaa:

  1. In isaga keligiis soo xushay oday dhaqamadeeyo aan ahayn kuwii saxda ahaa oo mathalayay beelahooda.
  2. Inuu amray oday dhaqameedyada uu isagau soo xushay in mid waliba u keeno 3 qof oo uu mid ka mid ah ka dhigo xildhibaanka beesha.
  3. Inuu diiday in doorashadu u dhacdo hab daah furan oo ka madax banaan faragalin, cadaadis, cabburis, hanjabaad, iyo amar-ku-taaglayn.
  4. In doorashadu ka dhacdo meel ka madax banaan fara gelinta maamuliisa.
  5. Inuu garoonka diyaaradaha Kismayo ka mamnuucay masuuliyiinta xilalka ka haysa ama taabacsan dawladda dhexe isla maasna raba inay ka qayb galaan tartanka.
  6. Inuu diiday in wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ay lug ku yeelato habka iyo hanaank doorashada Jubaland u dhacayso.
  7. Inuu garab siyaasadeed iyo gaashaan ciidan ka dhigtay dawlado iyo shakhsiyaad cadow ku ah midnimada, madax banaanida, qaranimada, iyo sugidda xuduudaha Soomaaliya ee sharciga ah.

Maxaa ka qaldamay dawladda dhexe?

Ka dib markii ay ku guulaysatay saamayntii ay ku yeelatay doorashadii Koofur Galbeed, tii Galmudug-na ay door muuqda ka qaadatay, dawaladda dhexe waxay isa siisay kalsooni ah in tan Jubalandna ay saamayn ku yeelan karto.

Laakiin sidii ay qorshaynayeen ama rabeen wax uma dhicin waayo Axmed Madoobe wuxuu garab ciidan, taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helay Kenya oo dawladda Farmaajo cadaadis ku saartay inay ka laabato dhacwadii badda, madaxwaynaha xilligan ee maamulka Puntland, Senator Faroole iyo Senator Cumar Cabdirashid, madaxwanayaashi hore Shiikh Sariif, iyo Xasan Shiikh, iyo dhamaan mucaaradka dawladda Farmaajo iyo Khayre.

Waxa is waydiin leh haddii Axmed Madoobe mar kale noqdo madaxwaynaha Jubaland, ma u samayn doonaa wax alla wixii Kenya ay rabto ama ka dalbato maamulkiisa maadaama ay si buuxda oo aan qarsoonayn ay u garab istaagtay inuu ku guulaysto doorashada? Maxay siisan doonaan taageeradooda?

Dad badan oo anigu aan ku jiro kuma mucaaradsana Axmed Madoobe wax aan ka ahayn khatarta uu ku yahay midnimada, wadajirka, iyo qaranimada dalka Soomaaliya. Hore wuxuu ugu adeegi jiray taliskii xumaa ee Miles Zenawi iyo maamulkii arxanka darnaa ee Cabdi Ilay, haddana wuxuu u adeegayaa danaha Kenya, Imaaraatka, iwm. Waxa keliya oo isagu rabaana waa kursiga iyo inuu mar kale noqdo madaxwaynaha gobollada Jubaland.

Guul  Axmed Madoobe helo maxaa ka dhalan kara?

Haddii Axmed Madoobe ku guulaysto doorashada waxa dhici karta in Jubaland ay u qaybsanto sidii Galmudug oo garabyo iska soo horjeeda ay ka kala taliyaan gobollada ay ka kooban tahay, qabaailkuna isku dhacaan. Waqtigan hadda la jooga xataa jubaland gacanta uguma wada jirto Axmed Madoobe oo maamulkiisu wuxu ku kooban yahay Kismayo iyo qaar ka mid ah tuulooyinka xadka Kenya ku yaal. Haddii bur-bur iyo isku dhac imaadana kala tag iyo sii  kala fogaansho kii hore ka daran baa imaan kara.

Maxay samayn karta dawladda dhexe?

Kolley lama filayo in dawladda dhexe ay dagaaal iyo awood ciidan u adeegsato Jubaland. Sida awgeed tallaaboyinka u furan wa kuwo siyaasadeed ama waan-waan iyo wadahadal. Sidaas oo ay tahay, sida dastuuka Soomaaliya uu qabo, wa in wasaaradda arrimaha gudaha ee federalku ay ansixiso doorashada iyo ciddii ku guulaysataba. Sida awgeed, dawladda dhexe waxa u banaan inay diido inay aqoonsato natiijada doorashada iyo habkii doorashada loo qabtay labada.

Sodoo kale, waxa dawladda dhexe cadaadis ku saari karta beesha caalamka inaysan aqoonsan natiijada doorashada, xiriirka wada shaqayntana u jaraan maamulkiisa.

Waxa kale oo dhici kara in qaar ka mid ah degaanada Jubaland ay ku gacan sayraan natiijada doorashada haddii Axmed Madoobe ku guulaysto, taasina ay keento inay xiriirka u jaraan maamulkiisa oo ay toos ula shaqeeyan dawladda dhexe.

Mucaarad xukun doon ah oo u shaqeeya cadowga

Burburkii dawaladdii Soomaaliya waxaa loo saaraa xukun jeclaysi iyo keli talis. Haddana wuxuu Axmed Madoobe wado waa xukun jeclaysi iyo keli talisnimo. Wax horumar ah oo uu qabtay Jubaland ma jirto. Inta badan degaanada Jubaland xataa ma tagi karo. Haddii Axmed Madoobe guulaystana khatar wayn baa soo wajahaysa midnimiada, madax banaanida, qaranimiada, wada shaqaynta, iyo amaanka Soomaaliya.

Mid isaga dhaama baan Alle waydiisanayna.

Mucaaradka Soomaaliduna ma aha kuwo waddaniyiin ah oo u danaynata danta dalka iyo dadka ee waa mid ku dhisan hanti boob, xukun jecayl, iyo qabyaalad.

Bal yaa garan kara waxa Cumar Cabdirashid uu raadinayo oo ka maqan rabo, waxa Faroole uu faraha ugala bixi la’ yahay talada Puntland, haddana uu faraha ugula jiro Jubaland. Maxaa ka maqan Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif, iyo ragga la mid ah. Wixii ay dhici kareen dhace, wixii ay gadan kareena gade. W

War iyo dhamaanti waa hubaal in mucaaradka Soomaalida iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyadu aysan rabin dawladnimo, kala dambyn, wada shaqayn, midnimo, madax banaani, iyo in sharafii iyo karaamadii Somalia soo laabato.

Allow Soomaaliya ka bed-baadi Soomaalida cadowga u ah oo u shaqeeya cadowga Soomaaliya, iyo shisheeyaha cadowga u ahba.

W/Q: Axmed Bashir
Bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid