Aqri: Jadwalka doorashada Jubbaland oo la shaaciyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga jadwalka doorashada madaxtinimo ee Jubbaland oo qeexaya habka iyo xilliga doorashada.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday jadwalka xilli madaxweynaha musharraxa ah ee uu waqtiga kasii dhamaanayo ee Jubaland Axmed Madoobe uu maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaayo.

Sida ku cad jadwalka, soo xulista iyo soo gudbinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ayaa bilaaban doonta inta u dhaxeysa 16 July illaa 6 bisha Agosto ee soo socota.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa la waqtiyeeyey inay dhacdo18-ka bisha Agosto.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee sida aadka ah loo sugayo ayaa taariikhdeeda lagu asteeyay inta u dhaxeysa 24 Agosto illaa 30 Agosto ee sanadkan.

Qaar ka mid ah musharrixiinta la tartamaya Axmed Maxamed Islaan oo hadda xilka hayaayaa horey walaac uga muujiyey hannaanka doorasho ee Jubbaland iyo soo xulista baarlmaanka dooran doona madaxweynaha.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com