JUBALAND oo shaacisay sababtii ay garoonka uga soo celisay Jen. Bogmadow

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka magaalada Kismaayo ayaa sheegay sababta ay garoonka uga celiyeen wafti uu hoggaaminayo taliye cusub oo loo soo magacaabay ciidamada xerada 43-aad ee federaalka ee qaabilsan gobolada Jubbooyinka, taasi oo uu ku sheegay in aanan lagala tashanin soo magacaabista.

Taliyahan cusub ayaa lagu magacaabaa General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland, Ciidamada guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo waxaa hadda taliye ka ah General Ismaaciil Saxardiid.

Gen. Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.

Sida ku cad qoraalka ku soo baxay bogga Jubbaland, soo magacaabista taliyaha ayaanan waafaqsanayn sida uu nidaamka ahaa, waxaana la yiri “Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada, qodobka ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya ku soo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo”.

Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray “Dowladda federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43-aad ee XDS Gen. Cali Bogamdow”.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka, balse arrintan ayaa imanaysa xilli la isu diyaarinayo shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee dhawaanta ka furmayo magaalada Brussels.

Waxaa shirkaas ku wada casuuman madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com