Aqri: Tirada shacabka ay ciidanka dalka Kenya ku xasuuqeen gobolka Gedo

Baardheere (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya tacadiyada ay Ciidamada Kenya ku hayaan dadka kasoo jeeda gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.

Tacadiyada ugu badan ayaa la sheegay in ciidamada Kenya ay ka geystaan  Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana falalkaasi qeyla dhaan ka muujiyay dadka deegaanka oo ay horboodayaan Nabadoonada ku sugan magaalada Baardheere.

Nabadoon Faarax Hire Guhaad, oo kamid ah Nabadoonada ugu caansan ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay geystaan xasuuq ba’an oo aan cidina ka qaban.

Nabadoonka oo la hadlay saxaafada ayaa tilmaamay in Ciidmada ay dadka ku dileen Duqeyn iyo xabado iyadoo ay jirto dad badan oo ay marsiiyeen baabuurta.

Waxa uu sheegay laga soo bilaabo sanadkii 2011-2017 in ciidamada Kenya ay ku dileen gobolka Gedo dad gaaraya 52 qof, halka ay dhaawaceen 92 qof.

Deegaannada ay ku dileen dadka ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Baardheere waxaa ka mid ah deegaannadaan Yaaqle, Ceelcadde, Likooley, Kafay, Faxfaxdhuun, Giriklay, Jidimo, Budada, Baarmatamaan, Biyo Guuleed, Mufbariiq, Wargaduudo iyo Ceel-gaduud.

Dhinaca kale, Nabadoon Faarax Hire ayaa qiray inay jirto dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan ciidamada Kenya waxa uuna  caddeeyay in Maamulka Jubbaland uusan arrintaani ka hadlin ilaa iyo hadda isaga oo eedeeyay Madaxda maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Baardheere
Caasimada@live.com