Aqriso: 5 qodob oo laga soo saaray kulamadii Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulamadii ay magaalada Kismaayo ku yeesheen madaxweyne goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban shan qodob. Hoos ka aqriso. 

WAR-MURTIYEED
Kismaayo, 17, Diseembar, 2021.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland. 

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-galinta Doorashooyinka.

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood islaqaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha:  waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad degdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amiga:  In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.

3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada: Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha, Xoolaha yo Kaluumeysiga.

4. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka: Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka & DFS.

5. Doorashooyinka: Madaxdu waxay  isla garwaaqsadeen in qabsoomidda, dardargelinta iyo  dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

DHAMMAAAD