Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo berri lagu qabanayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyiga (Somaliland) ayaa maalinta berri ah lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku soo bandhigeen liiska kuraasta maalinta berrito oo Sabti ah lagu dooranayo Muqdisho, kuwaasi oo kala ah HOP#262, HOP#229, HOP#254 iyo HOP#255.

Kuraastaas ayaa waxa hore ugu fadhiyey Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan (HOP262), Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale (HOP229), Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar (HOP254) iyo Xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed (HOP255).

Waxay ku booriyeen guddigu inay illaa maanta isasoo diiwaan-galiyaan goob-joogayaasha iyo warbaahinta daneynayas inay soo xaadiraan doorashada kuraastas ee maalinta berri ah ka dhaceysa Muqdisho.

Guddiga ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta musharixiinta u tartamaya kuraastaas, xilli ay dood adag ka taagan tahay hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli sii socota, ayada oo qaadaceen Midowga Musharaxiinta, oo ku tilmaamay inay tahay mid ku dhisan boob, islamarkaana ay dalbadeen in la hakiyo doorashada, si loo saxo qaladaadka ka jirra.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii