Maxay tahay sababta ay xaaska wasiir Jamaal weerar shaqsi ah ugu qaaday Yabarow?

Hodan Cusmaan oo ah xaaska wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa weerar shaqsi ah ku qaaday madaxa laanta Af-Soomaaliga VOA Cabdiraxmaan Yabarow intuu uu socda shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ay ku qabatay Jabuuti. 

Shirkaas oo socday 13-kii illaa15-ki bishaan December, ayaa dadkii ka qeybgalay ay ahaayeen aqoonyahanki Soomaalida Geeska Afrika iyo kuwa qurba-jooga intaba. Waxaa kale oo joogay siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo Soomaali ah. 

Doodihi maalinta 1-aad, dadki ka qeybgalay waxaa ku jiray Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan, kaasoo oo hadalki uu madasha ka jeediyay kusoo qaaday arrimo ay ka mid yihiin in waddanka Soomaaliya uu hadda marayo marxaladdi ugu wanaagsaneyd.

Dadki wasiirka su’aalaha weydiiyay ayaa waxaa ku jiray, Cabdiraxman Yabarow, oo ah madaxa laanta Af-Soomaaliga VOA. Aan si toos ah u soo qaato sida uu Cabdiraxman Su’aasha u dhigay.

Cabdiraxman, inta uusan su’aasha tuurin, wuxuu ku billowday afeef uu si cad ugu muujiay in waxa uu sheegayo aysan shaqo ku laheyn VOA, ee uu fikirkiisa shakhsiyadeed cabbirayo.

Wuxuu yiri: “Asalamu Calaykum, Magacaygu waa Cabdiraxman Yabarow, waxaan ka tirsanahay asxaabta ka shaqeysa VOA. Waxaan doonayaa inaan marka koowaad aan halkaan ka xaqiijiyo, in su’aasha aan jeedinayo iyo fikirka aan dhiibanayo uusan midna shaqo ku laheyn VOA. Maadaama shakhsi aan la ii soo marti qaaday, waxaad u ogaataan in waxa aan sheegayo aysan VOA shaqo ku laheyn.

Su’aasha uu wasiir Jamal weydiiyay waxay aheyd sidaa: “Waxaan rabaa tan ugu horreyso inaan faallo ka dhigo, kaddibna aan su’aal mid ama laba aan tuurto. Midda wasiir Jamal oo aan u maleynayo, dadka qaarna ay ku raaceen oo aheyd Soomaaliya maanta meel ay ka wanaagsantahay ma jirto la leeyahay… (Marka uu halkaasi marsiinayo ayuu erayo yar oo ingiriis ah oo laakin xushmadi ku dheehantahay yiri. Aan Soomaali ka dhigo erayadaas.)  Wuxuu yiri: “Aniga oo daacad u hadlaya xushmeynayana, boqolkiiba boqol kuma raacsani. Kasaxafi ahaan aniga oo madax bannaan, maanta waxa Soomaaliya ka jiro waxaan leeyahay Ilaaheey ha u kaalmeeyo, dhibaatooyinka Soomaaliya ka jiro iyo ififaalaha waliba xilli lagu jiro doorashada. Wasiir Jamal kuma eedeynayo maadaama uu Dowladda ku jiro.” 

Su’aasha kale toos ayay ugu socotay madaxda Soomaalida ee gobolka oo dhan. Marka ma rabo inaan soo qaato waayo mowduucaan ayay ka baxsantahay.

Markaa, maxay aheyd jawaabti lama filaanka aheyd ee kasoo baxday Dr. Hodan Cusman oo ah xaaska Wasiir Jamal. Waxay Hodon sheegtay inay rabto in ay saddex faallo kusoo koobto hadalkeeda. Waxayba ku billowday dagaal, iyada oo dhahday waa inaan kala saarnaa dhaleeceynta wax dhiseyso iyo naqdiga tooska ah ee ujeedkeedu tahay “kuma jecli”. Waxay kaloo sheegtay in kulanka intiisa badan dadki ka hadlay ay ahaayeen kuwo fikradaha dadka qaar kasoo horjeeday, taasoo macnaheedu tahay siyaasaddaada iyo fikirkaada kama helin sidaasi daraadeed waa kaasoo horjeesanayaa. 

Intaas kuma ekeysan ee waxay si toos ah ugu boodday weerar aanan ka turjumeyn aqoonta ay sheeganeyso. Waxana ay weerartay Cabdiraxman Yabarow. Ogoow Yabarow waa tii uu sii afeeftay oo uu dhahay kuma hadlayo VOA ee waxaan ahay shakhsi caadi ah oo shirka lagu casuumay.

Hodan oo ay ka muuqato carro, fudeyd iyo ka fiirsasho la’aan ayaa sitoos ah u weerartay Yabarow, iyada oo ku sheegtay VOA mid mar walba dhanka xun ka eegto Soomaaliya. 

Masoo qaadan xaraf xar hadalka Hodon, waayo waxay ila tahay inaysan wanaagsaneyn in aan buun-buuninno haddalo gurracan oo meel ka dhac ah.

MAXAA IIGA BAXAY HADALKA HODAN?

Hodan, waxay muujisay ilbaxnimo xumo, qof aqoonyahanka ah ama ALLE uu wax uun ka fahansiiyay cilmigiisa, isuguma yeero tittle ama mansab. Sida Sheekh, Dr. Macallim, Wariye iyo wixi la mid ah. Dadka Aqoonta leh markay is magacaabayaan waxay dhahaan magacaygu waa Faduma, ama Cali ama wixi la mid ah, ee ma dhahaan waxaa lay dhahaa Dr. Hodan ama Dr. Faduma ama Dr.Cali. Waxaa kuu muuqanaya inaysan mutawaadic aheyn.

Waxaa kale oo si cad kuugu muuqanaya inay ka baxday mowduuca oo ay ka dhacsaneyd, sababtoo ah, Yabarow wuxuu ku hadlayay fikirkiisa shakhsiyadeed ee kumuusan hadli magaca VOA. Si toos ah oo jaahilnimo ku dheehantahay ayay VOA oo aan ognahay maalin kastana qof walba oo Soomaali ah ka helo xog rasmi ah oo aanan xaqiiqdii dhinacna la jirin, ayay xaaska Jamaal u weerartay. Runtii aad ayay ugu ceeboowday, iyada iyo odaygeeda. 

Waxaa kale oo igaga baxay inay rabto inay afka ka xirto saxaafadda xurta ah, iyada oo wadata maskaxda madax isku sheegga xilka ka dhamaaday ee caanka ku ah musuqa iyo cabburinta warbaahinta.

FIKIRKA SHUUCIYADDA IYO HODAN

Hodan sida ay iyaduba sheegato, waxay wax kusoo baratay Shiinaha. Waana halka ay iska heleen iyada iyo odaygeeda, wasiirka qorsheynta oo isna caan ku ah musuq-maasuqa, qabyaaladda iyo xishood-la’aanta.

Haddii aadan ogeyn, Shiinaha waa waddamada fara-ku-tiriska ah ee cabburiya dadkooda, kasoo horjeeda xorriyadda diinta iyo saxaafadda. Sida ku cad, warbixinta sanadlaha ah ee ururka u dooda xuquuqda saxaafadda ee CPJ, sannadkaan 2021-ka oo kaliyah Shiinaha waxaa lagu xiray 50 wariye. Waa dalka ugu badan. Wariyaashaasi waxaa ka mid ah gabadha la yiraahdo Zhang Zhan oo aheyd saxafiyaddi ugu horreysay ee shaaciso in Shiinaha ka billowday Coronaviruys.

Sidaas darteed maba aaminsana Hodan in la kala aragti duwanaan karo, waxayna rumeysan tahay in si buuxda loo taageero dowladda federaalka ee seygeeda uu xubinta ka yahay.

Yabarow dhankiisa wuxuu wax ku bartay Mareykanka, waxuuna aaminsan yahay aragti Mareykan oo ah in xoriyadda hadalka ay muqadas tahay, oo qofka uu si saliim ah u gudbin karo aragtidiisa. Tusaale, VOA oo uu ka tirsan yahay, islamarkaana oo ay maal-geliso dowladda Mareykanka waxaa xitaa lagu dhaliili karaa madaxweyne Joe Biden ayada oo aanay wax dhibaato ah ka taagneyn. 

Arrinta labaad ee Hodan ka careysiisay ayaa suurta-gal ah inay la xiriirto musuq-maasuqa horey loogu tuhmayey ayada iyo seygeeda. Hodan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay heshiiskii Shiinaha looga xaraashay inay sida ay doonaan uga kaluumeystaan badda Soomaaliya ayada oo laga qaaday lacag ka yar laba milyan oo dollar oo kaliya.

Heshiiskaas ayaa la rumeysan yahay in Hodan iyo Jamaal ay ku qaateen lacag aad uga badan midda loo diiwaan geliyey dowladda federaalka, balse la leexsaday, ayaga oo adeegsanaya xiriirka Hodan ee Shiinaha oo ay wax ku baratay. 

Sidaas darteed, aragti kasta oo u muuqata mid dhaliileysa dowladda federaalka waxay Hodan ka taabaneysaa meel hoose, ayada oo og lacagta ku maqan reerkeeda.

Si kasta oo ay ahaataba ceeb weyn ayey ku aheyd Heritage inay qoysas is wata ka casuunto shirkii Jabuuti, kadibna ogolaato xaaska wasiir inay u jawaabto mas’uuliyiin kale, halkii wasiirka uu isaga difaaci lahaa aragtidiisa.

Cabdirisaaq Maxamuud Axmed
Muqdisho, Soomaaliya