Shirka Jabuuti oo na tusay wejiga dhabta ah ee Heritage

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddadii uu Farmaajo madaxweynaha ka ah ahaa Soomaaliya, Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee Soomaaliya wuxuu soo saaray tobanaan warbixin oo uu ku dhaliilayo siyaasadaha iyo ficillada “kali-talisnimada u eg,” ee madaxweyne Farmaajo iyo halista ka dhallan karta.

Warbixintii ugu dambeysay ee Machadka uu soo saaray bishii November oo cinwaan looga dhigay “khataraha ka iman kara ku shubashada doorashada daban ee Soomaaliya,” waxba kama duwaneyn warbixinadii hore.

Waxaa lagu yiri “Inkasta oo ay doorashooyinka dadban ee Soomaaliya yihiin kuwo ka fog caddaaladda iyo xornimada, haddana labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxa ka soo baxay natiijooyin ay si weyn ugu qanceen saammilayda siyaasadda iyo shacabka intooda badani. Sannadkan, dibudhaca xeeladaysan ee ay ku kaceen kuwa hoggaaminaya geeddi-socodka doorashooyinka, xildhibaannada aqalka sare ee madax ka taabashada lagu soo xushay, iyo heshiisyada iyaga uun u danaynaya ee ay gaadheen ayaa keenay natiijooyinka lagu muransan yahay iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta. Si kale haddii aynnu u dhigno, haddii musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta ay siyaasiyiintu ku hayaan doorashada dadbani, ku sii socoto mid aan la hubin, waxa laga yaabaa in uu fashil ku danbeeyo mashruuca dawlad-dhiska Soomaaliya.”

Marka aad akhriso warbixintaas iyo kuwii ka horreeyey ee Machadka Heritage waxaa kuu muuqanaya inuu kaalin wanaagsan ka qaadanayo dowlad-dhiska iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya, illaa inta aad ka ogaato in Machadka uu mar kasta sameynayo ficiillo ka duwan waxa uu ku hadlayo.

Shalay waxaa Jabuuti lagu soo geba-gebaayey Madasha Aragti Wadaagga Heritage oo sanad kasta Heritage ay ku qabato dalka Jabtuuti.

Jabuuti waxaa sanadkii tegay markii shanaad madaxweyne isku caleemo saaray Ismaaciil Cumar Geelle, oo dalkaas kali-talisnimo ku xukumaya in ka badan 21 sano.

Ismaaciil Cumar Geella marna ma ogolaan inay jabuuti ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Wuxuu diiday in lala tartmato. Wuxuu xabsi dhigay tobanaan siyaasiyiin mucaarad ah, wuxuuna dalka aan walaalaha nahay ka dhigay maqaayad u shidan hal nin iyo qoyskiisa kana oodan inta kale.

Heritage oo warbixinadeeda uga hadasha siyaasadda Soomaaliya iyo Geeska Afrika, marna warbixin kama aysan soo saarin Jabuuti. Kama aysan hadal kali-talisnimada Ismaaciil Cumar Geelle si la mid ah sida ay uga hadasho tan madaxweyne Farmaajo iyo dowladda federaalka.

Kaaga sii daran’e Heritage waxay sheegata, sida ku cad website-keeda inay u taagan tahay: Wargelinta siyaasad-dejinta qaranka iyada oo loo marayo xalal wax ku ool ah oo cusub si loo horumariyo nabad-dhisidda, dawlad-dhisidda iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, iyo sare u qaadidda nabadda gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha Geeska Afrika.

Hase yeeshee hay’addan iyo kuwa maamula waxay sanad kasta marti u yihiin madaxweyne kali-taliye ah, oo aan wax shaqo ah ku laheyn dowlad dhisid wanaagsan, kana soo horjeeda wax kasta oo Heritage ay u taagan tahay.

Sidaa darteed, ficillada Heritage ee ka duwan hadalladooda waxaan ku qeexi karnaa laba arrin midkooda.

1- In ay been iyo huu haa tahay waxa ay sheeganeyso Heritage oo aysan laheyn wax mabda’ iyo qiyam ah, oo ay tahay hay’ad loo dhisay mashruuc dhaqaale looga cuno reer galbeedka oo bixiya malaayiinta dollar ee ay hay’addan sanad kasta ku baxa.

2- Inay sanad kasta qeyb ka mid ah mabaadi’deeda uga iibsato Ismaaciil Cumar Geelle inuu ka daboolo casuumadda, marti-gelinta, hoteelka iyo kharashka uga baxa shir sanadeedkeeda, taa beddelkeedna aysan marnaba soo hadal-qaadin Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukunkiisa kali-taliska ah.

Ma jiri karaan wax aan ka aheyn labadaas qodob oo ay Heritage maalin kasta Farmaajo ugu eedeyso kali-talisnimo, haddana u hoos fariisato kali-talis Farmaajo ka weyn. Sababtoo ah farqiga u dhaxeeya Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle waa in Farmaajo looga cabsi qabo inuu noqdo kaligii-taliye, halka Ismaaciil Cumar Geelle uu mar horeba yahay kaligii taliye.

Marka xiga ee aad aragto warbixin kasoo baxday Heritage oo ka hadleysa dimoqraadiyad ama weerareysa Farmaajo, inta qososho kasii gudub.

W/Q: Cabdijabaar Maxamed Cabdullaahi
Muqdisho, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.