Madaxweyne Farmaajo oo qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf kala dhaxeeya madaxweyne dal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka duulay magaalada Muqdisho, si uu dalka Turkiga uga qeyb-galo shirkii saddexaad ee u dhaxeeya Turkiga iyo Afrika, ayaa qaaday tallaabo banaanka u soo saartay khilaaf shaqsi ah oo kala dhaxeeya madaxweynaha Jabuuti, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Farmaajo ayaa ka baaqsaday in uu raaco diyaarada Turkish Airlines oo duulimaad toos ah ku tagta Istanbul, kadib markii uu ka war helay in diyaarada ay 45 daqiiqo ku hakaneyso garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Waxay tallaabadan banaanka u soo saareysa in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Jabuuti, kaasi oo ka baxsan xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Farmaajo ayaa Muqdisho ka raacay diyaarada Ethiopian Airlines oo sii mareysa Addis Ababa, halkaas oo caawa saq dhexe diyaarad kale oo Turkiga aadeysa ka sii raacayo.

Ehtiopia ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay Farmaajo.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dad badan, ayada oo ay hoos u dhacday xiisadii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti, islamarkaan uu dhawaan dalkaas shir uga qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa inta badan lagu eedeya in danaha shaqsiga ah uga faa’iideysto arrimaha diblumaasiyadeed ee dalka, ayada oo kal hore uu isku maqiiqay xumeynta xiriirka Jabuuti, oo kal dambe dib loo hagaajiyay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii