Rooble oo qiray in Farmaajo uu kala kulmayo cadaadis la xiriira doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay qiray in culeys uu ku hayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kal hore ka heshiiyeen khilaafkii soo kala dhex-galay.

Rooble ayaa sheegay in Farmaajo uu kamid yahay culeyso dhowr ah oo doorashada darteed loogu hayo, kuwaasi oo uga imaanaya Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

“Dherigii saddexda dhadhaar u dhaxeeyay ayaa ahey haddey tahay madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiinta iyo xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo si duur xula u sheegaya in cadaadis ku hayo madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax isbedel ah ku iman mowqifkiisi doorashada iyo in la helo doorasho hufan oo daah-furnaan ku dhisan, taasi oo ay ku wada qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda.

“Waxaa la isweydiinaya ra’iisul wasaaraha muxuu la aamusan yahay waayadan, tolow ma wadanidii uu tagay ayaa dhabarka kasoo taabtay, cid aan u dhuuntay iyo cid dhabarka iga soo taabatay majirto, doorashadii waa qabasho.”

Waxa uu intaas kusii daray in uu ka shaqeyn doono xalinta tabashooyinka laga muujiyey hanaanka doorashada Golaha Shacabka, islamarkaana uu dhawaan shir iskugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga Qaranka, oo lagu xoojinayo daah-furnaanta doorashada.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in lama taabtan tahay daah-furnaanta doorashada iyo ku dhaqanka habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyay, ayada oo fursad la siinayo korjoogtayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii