Daawo: Dubbe oo shaaciyey caqabad heysata xubnaha dooran ee AQALKA SARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wafaafinta Soomaaliya Senator Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Senatorradii la doortay ee baarlamaanka federaalka ay ku jiraan xaalad dhaqaale oo aad u adag, maadaama aysan jirin wax xuquuq ah oo ay ka helaan dowladda.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in doorashadaan daba dheeraatay ay kala kulmeen caqab xoog leh hadii ay yihiin senatorrada dooran, isagoo madaxda dalka ka codsaday in xuquuqdooda la siiyo.

“Waxaa nasiib darro ah in Senator bishii 7-aad la doortay uusan bishaan 12-aad ID laheyn, oo Mushaar laheyn, oo guno lahey, oo shaqadiisii hore uu ka tegay, oo hadda uusan shaqeyn, waxaa laga yaabaa in dhowr qof oo ila mid ah ay shaqo hayaan hadda, marka xaalad adag ayey ku jiraan senataradii la doortay,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen arrintaas, balse ilaa hadda aan waxaba laga qaban, “Ra’iisul wasaaruhu waa ogyahay, madaxweynaha habeen hore ayaan kala hadleynay oo waxa uu lahaa senatorradu xaalad ayey ku jiraane maxaan la qaban karnaa sidaan laguma eegan karee,” ayuu yiri.

Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in caqabadaan xuquuq la’aanta ah ee heysata xubnaha Aqalka Sare ay keentay doorashada dalka oo aad u jiitantay, isagoo codasaday in doorashada golaha shacabka la dedejiyo.

“Waxaan u baahanahay si arrintaas looga baxo, maadaama la yiri labada Aqal halmar hala wada dhaariyo in doorashada golaha shacabka la dedejiyo, warbaahintana waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeyso dedejinta doorashada,” ayuu yiri Senator Cusmaan Dubbe.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/nJe1ay7KSbU?t=44

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii