Daawo: Warshad ka mid ah kuwa ugu halisan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa howl-galo ay kula dagaalamayaan waxyaabaha Maanka dooriya ku soo qabtay maandooriyeyaal kala duwan, kadib markii ay gacan ku dhigeen Warshad kamid ah kuwa sameeya Maandooriyaha oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed oo sidoo kale ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen keydkii ugu ballaarnaa ee waxyaabaha Maanka dooriya.

“Shalay iyo maanta waxay ciidanka Booliiska ah wadeen howl-gal lagula dagaalamayo daroogada dhibaatada badan ku haysa da’yarta dalka, shalay waxaan qabanay maandooriye farabadan, maantana waxaa gacanta lagu dhigay Warshad weyn oo lagu sameynayay waxyaabaha Maanka dooriya,” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Waxyaabaha Maanka dooriya ee Warshadaas lagu sameeyo ayaa waxaa kamid ah Calaqa, Xashiiska, kuwaas oo uu sheegay Guddoomiye Filish in uu soo dul istaagay iyagoo 8 digsi lagu karinaayo.

Guddoomiye Filish ayaa sidoo kale sheegay in maandooriyaha gacanta lagusoo dhigay lagu gubi doono goob fagaare ah, isagoona uga digay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Warshadaan ayaa waxay ku taalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxayna gacan ku soo dhigisteedu qeyb ka tahay howl-galo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ku cirib-tirayaan maandooriyaha oo kusoo batay caasimada dalka.

Si kastaba, warshadaan ayaa aheyd tan ugu ballaaran ee lagu farsameeyo waxyaabaha Maanka dooriya, sida ay sheegen ciidamadu, waxayna kamid tahay warshado dhowr ah oo la sheegay inay ku yaallan gudaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii