Aqriso: DF oo soo saartay bayaan ka kooban 20 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 20 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah.

Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa safka hore kaga jirta booqashadii taariikhida aheyd ee Talaadadii uu caasimada dalka ku yimid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wada-hadalkii ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, xaaladda guud ee dalka iyo caqabadaha jira. Sidoo kale Guterres ayaa magaalada Baydhabo ku booqday dadka ka soo barakacay dhibaatooyinka Khawaarijta Al Shabab iyo abaaraha.”

Warbixinta toddoblaaha ee dowladda federaalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo shacabka oo is-garabsanaya ay burburiyeen godad ay Shabaab-ka ku dhuumaleysan jireen.

Waxa kale oo warbixintaan lagu xusay dib u soo celintii Taliye Shub iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ergeyga madaxweynaha ee dhinaca arrimaha Somaliland Cabdikariin Guuleed uu la yeeshay madaxweyne Geelle.

Hoos ka aqriso

Warbixinta Toddobaadlaha

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uga warbixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, xaaladda guud ee dalka iyo caqabadaha jira.

2- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo magaalada Baydhabo ku booqday dadka ka soo barakacay dhibaatooyinka Khawaarijta Al Shabab iyo abaaraha.

3- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo dhameystay booqasho laba maalmood uu ku joogay Soomaaliya, ayaa beesha caalamka ugu baaqey in Soomaaliya la taageero, maadaama ay ku taagan tahay dhabbadii horumarka iyo xasilinta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland Pekka Haavisto.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Hiil Weyne oo ku taalla Balcad , halkaas oo ay ku jiraan kumanaan askari oo ka qeyb qaadan doona sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya oo meel mariyay xeer lagu xakameynayo hubka lagu dhex sito Muqdisho, tallaabadaas oo qeyb ka ah xasilinta caasimadda.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray go’aanka Golaha Wasiiradda ee xakameynta hubka lagu dhex sito magaalada Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya, kulankaas oo looga hadley xoojinta xiriirka labada dal.

10- Ra’iisul Wasaar Xamsa Cabdi Barre oo ugu baaqey ganacsatada inay xoojiyaan maalgashiga ay dalka ku sameynayaan.

11- Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta , S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

12- Ergayga Madaxweyna Soomaaliya ee dhinaca arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay degaannada Aw-Qumbaale, Ceel Cad, Canjeel, Harboole iyo Janaay-Cabdalle oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al Shabaab.

14- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannadguuradii 63aad tan iyo markii la aasaasay.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tuulooyin ku teedsan Wabi Shabeelle ee Koonfuurta Beled Weyne ka xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka oo is-garabsanaya ayaa hawlgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay degaanno ka tirsan Degmada Buulo Burte ee Hiiraan, iyagoo isla markaana burburiyay godad ay Khawaariju ku dhuumaaleysan jireen.

17- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal ay khasaare ugu geysteen Khawaarijta ka fuliyay tuulada Ceel Juqow oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

18- Shir ay ka soo qeybgaleen waddamada Safka Hore oo looga hadlayey isku-dubaridka bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

19- Maxkamadda Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntey 14 nin oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

20- Ciidamada Qalabka Sida ayaa si habsami uu wada hawlagalada lagu sugayo amniga caasimadda, kana hortagey fal dembiyeed la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed.