Aqriso: Magacyada 60-ka Jaamacad ku sheeg ee Muqdisho ka furan iyo sababta keentay

Kadib burburkii doowladii dhexe ee soomaliya 1991 ee uu hogaaminayay Ganaraal Maxamed Siyaad Barre, waxaa guud ahaan burburay adeegii bulshada soomaaliyeed, waxaa burburay mas’uuliyaadii bulshada saareeyd waxaa burburay caqligii bulshada soomaalida waxaa burburay wax kasta oo bulsho eey ku noqoto bulsha jirta waxaana sii badanay marba mark aka dambeeysa xumaanta aan la isaga digeeyn lagana hortageeyn lakiin qolo ku faraxdo iyadoo u aragta in tii kale meesha kasaartay kana adkaatay waxaa sidoo kale mesesha kabaxay guud ahaamba tacliinta oo ah halka bulsho kula tartanto asaageed laguna barto waxa umadaas gasho aan u soo daadago biyadhaca qormadeeyda oo aan doonayo in aad uga hadlo jamaacadahada dalkeeyga soomaaliya ku soo badanaya gaar ahaan magaalada muqdishu caasimada soomaaliya.

Kudhawaad 40 jaamacaadood ayaa laga furay magaalada caasimada ah ee muqdishu laga soo bilaabo 1996 ilaa 2015 oo aan ku jirno waa farxad marka lafiiriyo dhibaatadii la soo maray gaar ahaan intii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalkeena aafeeyay waxaana la soo maray xilli aan iskuul loo dhaqaaqin jaamaca iska daaye, aqoonta oo lagu tartamayo waa waxa ugu wanaagsan ee lagu soo saari karo ummad kafiyoow wax kasta oo ka xagal daacin kara ummad nimadeeda bale waxaan rabaa in aan ku falanqeeyo wax tarka jaamacadaha magaalada muqdishu ku soo badanayay waxaana qormadaan ku wareeysan doonaa aqoon yahano soomaaliyeed iyo ardayda soomaliyeed ee wax kabarata jaamacadaha magaalada muqdishu jaamacadaha ku yaal magaalada caasimada ah waxaa ka mid ah.

1: AtLAS UNIVERSITY

2: Al-IMRA UNIVESITY

3: AL-MARWAZI UNIVERSITY

4: BANAADIR UNIVERSITY

5: CAPITAL UNIVERSITY

6: CITY UNIVERSITY

7: DAHA UNIVERSITY

8: DARUL AL HIKMA UNIVERSITY

9: DARUL SALAAM UNIVERSITY

10: DARUL ULUUM UNIVERSITY

11: GREEN HOPE UNIVERSITY

12; HOPE UNIVERSITY

13: HILAAL UNIVERSITY

14: HIMILO UNIVERSITY

15: HORIZONE UNIVERSITY

16: HORMUUD UNIVERSITY

17: HORN AFRIC UNIVERSITY

18: HORSEED UNIVERSITY

19: IIMAN UNIVERSITY

20: INDIAN OCEAN UNIVERSITY

21: SOMALI NATIONAL UNIVESITY

22: SOMALI INTERNATIONAL UNIVERSITY

23: SOMALI UNIVERSITY

24: JAMHURIYA UNIVERSITY

25: JAZEERA UNIVERSITY

26: JOBKEY UNIVERSITY

27: JUBA UNIVERSITY

28: KOWNEYN UNIVERSITY

29: MODERN UNIVERSITY

30: MOGADISHU UNIVERSITY

31: PLASMA UNIVERSITY

32: QUR’AAN UNIVERSITY

33: SABO UNIVERSITY

34: SAVANAH UNIVERSITY

35: SALAAM UNIVERSITY

36: LOWER SHABELE UNIVERSITY

37: SHAFI UNIVERSITY

38: SHIFA UNIVERSITY

39: SIMAD UNIVERSITY

40: SKY UNIVERSITY

41: ISLAMIC UNIVERSITY

42: SOMEVILLE UNIVERSITY

43: mustaqbal UNIVERSITY

44: UCT UNIVERSITY

45: ATLAS UNIVERSITY

46: ABRAAR UNIVERSITY

47: BARAZAN UNIVERSITY

48: SOMALI SCHOLARS UNIVERSITY

49: HAMAR UNIVERSITY

50: FRONTIER UNIVERSITY

51: al arabia university

52: africa graduate university

53 Jaamacada Niileeyn

54: Jamacada Ilkaha

55: Jaamacada Badacas

56: Jaamacadda Koofurta Soomaaliya

57:Jamacadda Baqdaad

58:sohdi universaty

59:Africa universaty

60:Xayaat medical universaty

Qormadaan waxaan saldhig uga dhigayaa lix qodob oo kala ah Nidaam qota dheer oo aan lagu dhisin Jamacadaha Ku saleeyn hab qabiil, fikir gaar ah, iyo dano dhaqaale Heerka aqooneed ee barayaasha jaamacadaha Laxisaabtan la,aanta doowlada Dhankeeda ah
Jaamacadaha qaarkood oo aan lahaayn meelo ku haboon wax barashada Majirto cilmi baaris aay sameeyaan jamacadaha qaar Nidaam qota dheer oo aan lagu dhisin Jamacadaha.

Cilmi barista laga sameeyay jaamacadaha gaar ahaan marka laga hadlayo in lafuro jaamacad waxaa qaarkood eey sheegayaan marka ladoonayo in irdahada loofuro jaamacad cusub in loo baahanyahay Resource oo ah wax waliba oo sahli karo in jaamacad loogu yeero waxaana ka mid in jaamacadu leedahay ugu yaraan

1. Lix Professor manhaj tayeeysan

2. Dhisme jaamacadu leedahay oo ka kooban qolalki loogu talagalay xafiisyada iyo fasalada.

3. Goob lagu cibaadeeysto.

4. Gooba lagu jimicsado.

5. Qeeyb gar gaarka deg dega ah.

6. In jaamacadu ka diiwan gashantahay doowlada dalka ka jirta

7. Masuuliyad iyo wax yaabo kale oo aad u faraban kuwaas oo daboolaya baahida jaamacada sida uu qabo cilmi bare (Esiden 2013) si doo kale cilmibaarayaal kale oo uu ka mid yahay Terwas ayaa qaba in jaamacada looga bahanyahay in eey heeysato 100 mitir Square dhul ah dhismayaal ku haboon daraasaadka iyo in jaamacadu leedahay awood eey ku soo saari karto arday taya leh taas oo markaas suurta galin karta waxa eey ku yaboohday oo ah tacliin .

Jaamacadaha ka jira magaalada muqdishu marka loo eego tixraaca kore mamuuqato in la raacay habkaan oo ah in nidaam lagu furo jaamacada iyadoo inta aan lafurin la sameeyo daraasad ku aadan habka jaamacadu eey rabto in jaamacad eey ku noqoto balse waxaa jamaacadaha qaarkood marka laga fiiriyo dhismayaasha eey wax ku baraan ardayda waxaa laga dareemi karaa in eeysan ahayn sidi laga rabay jaamacadaha waayo qaarkood waxa eey ku jiraan gurya kiro ah kana kooban afar qol, jiko iyo musqul taasina waa nasiib daro waayo waxaa meeshaas ka maqan xuquuqd.

WD: Garad Yusuf Mohamud
Email: Garaadsomali@gmail.com