Aqriso magacyada Guddi uu SAACID u magacaabay shirka Jubbooyinka

Warsaxaafadeed-Iyadoo laga amba-qaadayo Heshiiskii 27-kii August 2013 ku dhex maray magaalada Addis Ababa Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba, oo ahaa tallaabo horumar leh oo loo qaaday dhinaca Federaaleynta, Xasilinta Dalka iyo kalsooni-dhisidda dadka Soomaaliyeed;

Si loo fuliyo, loogana gun-gaaro dhamaan qodobbadii ku xusnaa heshiiskaas;

Iyadoo la cusksanayo Qodobka Afraad ee Heshiiska ee khuseeya Dib-u-Heshiisiinta iyo Kalsooni-dhisidda;

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ahna Wasiirka Khayraadka Dalka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar wuxuu magacaabay guddi heer sare ah oo qaban-qaabin doona wejiga koobaad ee Shirka Dib-u-heshiisiinta oo lagu qaban doono Muqdisho 5-ta bisha Oktoobar 2013, iyadoo qeybta labaad ee nabad-dhisidda ahna  lagu qaban doono magaalada Kismaayo.

Magacyada Xubnaha Guddiga:-

1.    Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Amniga Qaranka/Guddoomiyaha Guddiga

2.    Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka

3.    Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi

Wasiirka Gaashaandhigga

4.    Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada

5.    Mudane Cabdishakuur Cali Mire

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,  Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka

6.    Mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga

 

7.    Mudane Axmad Cabdisalaam Xaaji Aaden

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya dalka Itoobiya

8.    Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi

La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Dhinaca Siyaasadda/Xoghaynta Guddiga

Waxaa ay xukuumada Federaalka ee Soomaaliya u mahad-celineysaa dhamaan dhinacyadii ka qeyb-qaatay fududeynta heshiiskii Addis Ababa ee 27, August 2013, gaar ahaan Guddoonka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee IGAD.

Sidoo kale, Xukuumada Soomaaliya waxay dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaaqaysaa in ay af iyo addinba ku taageeraan dhaqan-galka heshiiskan taariikhiga ah, xubnaha guddigana waxaa la farayaa in ay si hawlkarnimo leh uga soo dhalaalaan hawshan muhiimadda weyn qaranka u leh ee fulinteeda loo igmaday.

Mahadsanidiin,

Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya,

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar

Muqdisho – Soomaaliya