25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Aqriso qodobada Kheyre lagu haysto ee loo cusknayo xil ka qaadista lala rabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa mooshin laga diyaariyay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre oo waayadaani la kulmaayay culeys dhanka shaqadiisa ah.

Mooshinka ayaa waxaa diyaariyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia kaa oo lagu dalbanaayo xil ka qaadis lagu sameeyo Ra’isul wasaare Kheyre.

Waxa ay Xildhibaanadu sheegen inay doonayaan xil ka qaadis ay ku sameeyan Ra’isul wasaare Kheyre, iyadoo loomaraayo sharciyada dalka.

Waxa ay Xildhibaanadu sidoo kale sheegen inay doonayaan in xil ka qaadis taa lamid ah ay ku sameeyan dhammaan Golaha Wasiiradda.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka diyaariyay ayaa ku andacoonaaya qodobka wareejinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

- Advertisement -

Read more

Local News