Aqriso: Taariikh nololeedka taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

Ismaaciil Yuusuf Raage oo bulshada inteeda badan ay ugu yeeraan (Odawaa) waxa uu ku dhashay Degmada Aadan- yabaaal ee Gobolka Shebeelaha Dhexe Sanadkii 1987-kii wax-barashada Dugsiga Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay isla Degmada Aadan yabaal waxbarashada Dugsiga Sare wuxuu ku dhameystay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2005-tii.

Wuxuu yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo ciidamada Soomaaliya, isaga oo ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada militeriga, wuxuu ku dadaali jiray midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen kooxaha nabaddiidka iyo dadka gumeysi kalkaalka ah.

Ka dib markii uu waxbarashadiisii dhammeystay 15-7 Sanadkii 2006-dii waxa uu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu tababar dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka Dalka Uganda oo muddo 1 sano ah uu tababar ku qaadanayay, isagoo soo bartay shuruucda Ciidanka iyo ilaalinta madaxda (VIP protection course) markii uu tababarka u soo idlaaday waxaa loo xilsaaray inuu tababare u noqdo ciidan cusub oo dalka Uganda loogeyey tabar xiligaasi wuxuu sii kororsanayay aqoon dheeraad ah oo ku saabsan dhanka ciidanka.

Sanadkii 2009-kii waxaa mar labaad loo qaaday tababr layli sargaal oo dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Uganda, Sanadkii 2010-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo xidigle ah waxaa loo furay siminaar 45 cesho ah oo uu ku qaatay dugsiga haama-dhowr ee magaalada muqdisho.

Sanadkii 2010-kii saraakiil uu kamid ahaa waxaa loo magcaabay taliyayaal, waxa uu noqday taliyaha horin 2 aad, ee ciidanka ilaala madaxtooyada muddo ka dibna waxa loo magcaabay Abaandul urur inta uu ka tirsanaa guutada 2aad.

Sanadihii 2010-2011-2012 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay xoreynta kooxaha nabaddiidka Gobolada Banaadir, Sh,dhexe iyo Sh,hoose, taa soo uu ku mudteystay in la guddoonsiiyo abaal marin muhiim ah.

Sanadkii 2013-kii waxaa tababar ciidan loogu diray Dalka Turkiga muddo hal sano ah kaa soo uu ku qaatay taqaquska ciidanka lugta iyo luqadaha markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxa loo dalacsiiyay Darajada Dhamme muddo ka dibna waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaanle oo uu ku helay abaal marin ku saabsan howlaha ciidanka.

Sanadkii 2014-kii waxaa mar labaad waxbarasho loogu diray dalka dibadiisa gaar ahaan Dalka Turkiga Kulliyada Dagaalka (Turkish Aamry War Collage) markii uu tababarka u soo idlaaday wuxuu dib ugu soo laabatay dalaka.

Sanadkii 2016kii waxaa loo magcaabay Taliyaha Horinta 1-aad Ururka 60aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, muddo ka dib waxa loo magcaabay Abaanduulaha Ururka 60-aadee ilaalada madaxtooyada.

Sanadkii 2018-kii ayaa loo magcaabay Taliyaha Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya waxaana loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Dhexe.

16-08-2018-kii Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu magacabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto.

30-03-2019-kii isbadal lagu sameeyay Hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa loo magcaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Dhulka.

22-08-2019-kii ka dib markii xilka qaadis lagu sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa loo magcaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

W/D: Ustaad Omar Mohamad Kulmie (Omar British)