Arag Sawirrada: Garoonka Adan Cadde International oo la qurxinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa howlo dib u dhis, casriyeen iyo mid balaaran ah ka bilawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay dhawaan la wareegtay shirkada FAVORI LLC oo ah shirkad laga leeyahay dalka Turkiya, kadib markii in muddo ah maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay gacanta ku heysay shirkad la yiraahdo SKA.

Dib u dhiska haatan ka bilaawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu yahay wejiga 1-aad ee la doonayo in lagu casriyeeyo Garoonka, iyadoona sida horey u sheegtay Shirkada ay Garoonka Aadan Cadde ka dhisi doonto dhismo caalami ah oo la mid ah Dhismayaasha garoomada ugu caalamisan caalamka.

adan 1adan 2adan 3adan 4adan 5adan 6adan 7adan 8adan 9