Shirka Jubbooyinka ee Muqdisho oo dib-u-dhacay (Maxaa is-beddelay?)

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas uu caawa ka socdo kulamo looga hadlaayo shirka dib u heshiisiinta arrimaha Jubbooyika kaasoo sida qorshaha ahaa in furmo 21-ka bishan oo berri ah.

Shirka ayaa la sheegay in lagu ballamay mar kale in la qabto maadama maamulka Axmed aan uusan u dhammeestirneen.

Magaalada waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale oo dowladda ah.

Si dhab ah looma oga qorshaha safarka tagay Kismaayo,balse waxaa jirra shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka iyo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe oo hadalka ku hormaray ayaa si kooban u sheegay in ay soo dhaweenayaan wafdiga dowladda ee maanta tagay Kismaayo

“Aad ayaan ugu faraxsanahay booqashada wasiirka , wasiir ku-xigeenka gaashandhigga iyo dad kale ee la socda, waxa ay soo baqdeen dalkooda, baryahan waa ay naga gaabiyeen laakin hadda kaddib waa ay soo laaban doonaa” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ma sheegin wax yaabaha ay kala hadli doonaan wafdiga dowladda iyo in uu ka qaybgalaayo shirka arrimaha Jubbooyinka ee Muqdisho ka dhacaya.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa isna saxaafadda u sheegay in ay u faraxsan yihiin qaabka loo soo dhaweeyay.

Wuxuu ku celceliyay in hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba ay kulamo la qaadan doonaan, kulamadaas wixii ka soo baxa ay faah-faahin doonaan.

Si kastaba, Axmed Madoobe ayaa horrey u sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka lagu qabanaayo Muqdisho maadama uu kal hore Muqdisho tagay.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay markii wafdiga dowladda uu soo gaaray magaalada Kismaayo.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com