Arag sawirrada khasaaraha ka dhashay qaraxii caawa ka dhacay MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Shaleemo Somali.

Qaraxa oo aad u xooganaa isla markaana loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Bar Somalia oo ah Baar dhowaan la furay kana soo horjeeda Baar Italy Café oo ku yaalla Shaleemo Somali.

Saraakiisha amaanka ee Qaraxa kadib goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux halka toddobo kalana ay ku dhaawacmeen.

Xogta ayaa sheegeysa in gaariga qarxay uu ahaa mid meesha la soo dhigay, iyada oo aan laga warqabin, kadibna uu qarxay, goobta qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay tahay maqaaxi mashquul badan oo dadweyne kala duwan isugu yimaadaan.

Xaalada goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hada waxa ay tahay mid degan, waxaana sawirro la soo qaaday ay muujinayaan burbur soo gaaray dhismaha maqaaxida Somali Coffee.

Dhinaca kale, Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii amaanka magaalada Muqdisho laga wareejiyay ciidamada xasilinta laguna wareejiyay ciidamada Booliska.