Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa Muqdisho caawa ka dhacay + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay Maqaayad dhawaan la furay oo kasoo horjeeda Baar Italia Café oo ku taalla Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Makala Amukarama ee Magalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan islamarkaana laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen afar qof, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay waxaa halkaasi ku shaahayay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan kuwo u shaqeeya dowlada Somalia iyo kuwo shacab ah.

Bartamaha wadada iyo hareeraha Maqaaxida ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay yaalan Meydad iyo dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobmay Qaraxa, waxaana xusid mudan in wadada bartankeeda ay ku gubanayan gaadiid iyo Mootooyin la kawsaday gaariga Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com