Xoosh Jabriil oo sheegay in Messi-gii siyaasada uu ku soo biiray Nabad iyo Nolol

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa soo dhaweyn cajiib ah u sameeyey wasiirka cusub ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo kusoo biiray wasirrada xukuumadda.

Dikreeto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu aqriyey Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu shaaciyey isku shaadeyn uu sameeyey Kheyre, oo Goodax uu qeyb ka noqday.

Wasaaradda Waxbarashada oo hore looga eryey Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa loo magacaabay Goodax Barre halka Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda laga bedelay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Bidhaan Warsame.

Hadaba, qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Cabdi Xoosh ku sifeeyey Goodax Barre ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or-ka ee Lionel Messi.

“Mudane Cabdullaahi Goodax Barre (Messi) ayaa ku soo iiray kooxda Nabad iyo Nolol. Waa sidii ugu wanaagsaneyd. Hambalyo saaxiib!!” ayuu yiri Xoosh Jabriil.

Hadalka Xoosh Jabriil ayaa loo arkaa inuu kala jeedo in Goodax uu yahay nin siyaasadda iyo kala dhigdhigideeda ugu wanaagsan sida Messi ugu wanaagsan yahay kubbad. Waxaa sidoo xusid mudan in Goodax siyaasad muddo fog ah oo cajiib ah uu usoo dheelay inuu xil wasiir helo, isaga oo bilooyin taageere weyn u ahaa xukuumadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com