Arag Sawirrada: Wasiir ka tirsan DF oo su’aalo adag lagu weydiiyey Dubai lana soo hor dhigay xog cajiib ah

Dubai (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Aadam Ibraahim oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka qaybgalay shir caalami ah oo ay soo qabanqaabisey hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ee loo yaqaano ITU kaasoo looga hadlayay habaynta iyo beekhaaminta hirarka Isgaarsiinta caalamka.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dawladda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Aadam Ibraahim oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa sharaxaad badan ka bixiyay marxaladaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay soo martey iyo Qorshaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay u dajisey.

boostada 1Wasiirka oo ayaa su aalo badan oo adag lagu weydiiyay shirkaas kuwaasoo ay adkeyd in laga jawaabo balse wasiirku isku dayay inuu difaaco shaqada iyo waqtiga shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay soo galiyeen inay dalka oo dawlad la aan ah ay ka hirgaliyeen isgaarsiin casri ah oo dunida la jaanqaadi karta maanta.

Su aalaha la waydiiyey wasiirka waxaa kamid ahaa sababta keentey in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee caalamka ee shirkadaha Isgaarsiinta aysan isla hadli karin taasoo keentey in dadka Soomaaliyeed  oo kamid ah dadyawga ugu faqiirsan caalamka lagu qasbo iney qaataan laba Telefoon. Waa maxay sababta ay dawladda Soomaaliya kaliya u tahay caalamka dawladda aan diwaangalinin Kaararka Mobileda Simcards iyadoo dalka ay ka jirto amni daro taasoo waxbadan ka qaban lahayd amniga.

boostada 2Hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ee ITU  ayaa soo bandhigtey warbixin badan oo la xariirta Igaarsiinta Soomaaliyeed iyo lacagaha ay ka sameeyaan iyadoo lagu eedeeyey in dawladda Soomaaliyeed ay u sahleyso in shirkadahani ku takri falaan shacabka.

Waxaa shirka laga sheegey inay qaar kamid ah shirkadaha ISgaarsiinta Soomaaliyeed ay meel dhigteen in kabadan  10 milyan oo Kaar Simcard si ay suuqa Isgaarsiinta uga ilaaliyaan shirkado kale oo soo gala. Wasiirka ayaa cadaadis badan lagu saaray inuu sharaxaad ka bixiyo sababaha keeney in dawladdu aysan wali wax talaabo ah ka qaadin shirkadaha Isgaarsiinta oo sida ay sheegeen lacago badan ka sameeya suuqa Isgaarsiinta  isla markaana ku xadgudba xaquuqda Bani aadamka oo ku qasbaya in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan laba telefoon iyo ka badan.

boostada 3Warbixin ay soo gudbisey hayadda ITU oo shirka lagu soo bandhigey ayaa sheegtey in sanadkii 2011 daqiiqo gaaraya 37.9Milyan daqiiqadood dalka Soomaaliya laga soo wacay dalka Maraykanka taasoo lacag gaaraysa 13.5 Milyan Doolar ay u qaateen shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed Isku xirka Termionation Fee meesha dalka Soomaaliya isla sanadkaas 2011 laga wacay Maraykanka daqiiqo dhan 205’689 kaliya .

Warbixinta ayaa lagu xusey in maaddaama Soomaali badan ay ku noolyihiin dibadaha dalka ayna si aad u wacaan Soomaaliya ay kor u qaadeyso dhaqaalaha shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay ka sameeyaan wicitaanka ka imaanaya dibadda dalka iyagoo isticmaalaya Marinka Qaranka 252. Xisaabtan lagu soo bandhigey shirka Dubay ayaa ka tarjumeysay wicitaanada dalka Maraykanka iyo Soomaaliya ee sanadkii 2011  iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay dagan yihiin dalalka Yurub iyo dalal badan o kale lagana yaabo iney aad uga badan tahay daqiiqadaha sanadkii ay dadka Soomaaliyeed soo wacaan dadkooda ku nool dalka gudihiisa.

boostada 4Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegey in xaaladda Soomaaliyeed ay ka duwan tahay midda caalamka isagoo sheegey in shirkadaha Soomaaliyeed ay muddo 25 sano ah ay hawshan kusoo jireen iyadoo aysan dawladi jirin ayna dadka Soomaaliyeed isku xireen una sahleen iney xiriiraan loona baahan yahay inay helaan waqti. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegey in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ay dawladda hor geysey qorshe cad ayna ku tala jirto inay hirgaliso sanadkan 2014 kaasoo dhamaan taabanaya arimaha iyo suaalaha la waydiiyey.

Wasiirka Boostada iyo ISgaarsiinta oo la soo shaqeeyey Afar wasiir oo hore muda badanna xiriir la lahaa hay’ada ITU ayaa isku dayay inuu difaaco shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed iyadoo cadaadis badan lagu saaray.

Wasaaradda Boostada iyo ISgaarsiinta ayaa bilawgii Bishii March la shirtey dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed waxaana shirkaas ka soo baxay qodobo dhawr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Dubai
Caasimada@live.com