Arag shahaadada nikaaxa: Tim Mynett isaga ayaa isku mehriyey Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Shahaadada nikaaxa Ilhaan Cumar iyo Tim Mynett, oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in Tim uu isaga un garsoore ka ahaa nikaaxa iskuna mehriyey Ilhaan.

Nikaaxa ayaa ka dhacay magaalada Washington DC, halkaasi oo sharci ay ka tahay in qofka uu isku noqon karo caruuska iyo garoosaraha, taasi oo u muuqata waxa uu sameeyey Tim Mynett.

Shahaadada ayaa waxaa ka muuqata in Tim Mynett iyo Ilhaan Cumar ay is mehersadeen Arbacadii 11-ka March. Xafladda ayaa ka dhacday beerta John Marshall oo ku dhow maxkamadda Moultrie Courthouse, oo ay ka qaateen shahaadada nikaaxa.

Sida ku cad warqadda, Mynett ayaa waxa uu haystaa shatiga fulinta nikaaxa ee magaalada Washington DC, taasi oo u sahashay inuu isku nikaaxo Ilhaan.

Nikaaxa ay fuliyaan arooska ama aroosadda ayaa waxaa Mareykanka looga yaqaan “midow shakhsi ah”, balse waa wax naadir ah oo inta badan aan dhicin.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo afhayeen u hadlay Ilhaan Cumar uu xaqiijiyey in Tim Mynett uu diinta Islaamka qaatay ka hor inta aan la qaban xafladda nikaaxa, hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Si kastaba, waxaa suurta-gal ah in Tim iyo Ilhaan isku mehersadeen diinta Islaamka, kadibna ay sidoo kale sameeyeen nikaax kale oo ay ku helaan warqadda shahaadada ee dowladda Washington DC.

Hoos ka arag warqadda nikaaxa