Senator ka tirsan AQALKA SARE oo shaaciyey ‘dulmi weyn oo ku kacay DENI

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Axmed Macalim Cumar Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilo badan u jeediyey war-murtiyeedkii shalay laga soo saaray shirkii wadatashiga Puntland, isagoo tilmaamay in qodobadii kasoo baxay aysan wax macne ah u sameyneyn doonin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya toona.

Senetorka oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in war-murtiyeedkaas loogu gefey maamul goboleedyada dalka oo qaarkood wada shaqeyn buuxda la leh dowladda federaalka,  isla markaana uu buuq badani hareeyey markii la akhrinayey qeybaha dambe ee qodobadii kasoo baxay shirkaas.

Sidoo kale Senator Nadiir ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Puntland ay wax kama jiraan kasoo qaaday sharciga doorashooyinka oo labada aqal ee baarlamaanka soo maray, kadibna Madaxweynuhu uu saxiixay.

“Waa run doorbey ku leeyihiin oo in laga tala geliyo ayey aheyd sharciga doorashooyinka, Madaxweynaha Puntland waxa uu iska noqday nin caqabad ku ah Puntland iyo dowladda dhexeba, shuruucdii uu meel mariyey baarlamaanka ayuu rabaa in uu duro” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir.

Waxa uu sheegay in dulmiga ugu weyn ee maamul goboleedyada uu ka gelayo madaxweyne Deni uu yahay inuu u maja xaabinayo Jubbaland oo ah maamulka kaliya ee dowladda dhexe uu khilaaf kala dhaxeeyo.

Dhaliisha Senatorkan ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee siyaasi u jeediyo shirkii wadatashiga Puntland iyo qodobadii kasoo baxay.

Halkan ka dhageyso wareysiga