Wasiir Khadiija oo shaacisay in la joojiyey dhammaan tartamada cayaaraha dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan ciyaaraha iyo tartamada lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo dhamaan Goboladda Dalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa looga dalbaday wasaaradaha Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddiyada Ciyaaraha dalka in ay joogiyaan Ciyaaraha mudo ku siman 15 maalin.

Qoraalka kasoo baxay wasiir Khadiija ayaa lagu sheegay inuu go’aankaan dhaqan geli doono maalinta Berri ah oo ay taariikhdu ku beegan 19 March.

Go’aankaan ayaa kusoo aadayo xilli Dowladda Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii Caalamiga ahaa, Waxbarashadii iyo kulamada waaweyn oo ay dad badan isugu imaan jireen kadib markii ay wasaaradda Caafimaadka xaqiijisay in Muqdisho laga helay kiiskii ugu horeeyey ee Corona Virus.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka kasoo baxay Wasaaradda