Arday Soomaali ah oo lagu dilay HINDIYA + Sababta

New Delhi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Hindiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wiil Soomaali ah, isla-markaana ahaa Arday lagu dilay magaalada New Delhi ee caasimada wadankaasi, kaas oo ay dilkiisu ka dambeeyeen Soomaali kale.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Fiin, waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo ku sugan Delhi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo dhalinyada oo dagaalamay, sida ay sheegeen qaar ka mid ah Soomaalida.

Maxamed Fiin ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah, isla-markaana waxbarasho u joogay dalka Hindiyada, isaga oo dhowaan dhammeystay waxbarashadiisa Jaamacadda.

Ciidamada Booliska oo howl-gal sameeyey, kadib dhacdadaasi ayaa gacanta ku soo dhigay illaa 7 ruux oo Soomaali ah oo loo heysto dilka, waxaana haatan ku socda baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale waxa ay ciidamadu weli ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo la sheegay inay iyaguna ku lug lahaayeen dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ah.

Gudaha dalka Hindiya ayaa waxaa haatan ku sugan Soomaali fara badan oo waxbarasho Jaamacadeed iyo arrimo caafimaad u aaday wadankaasi, waxaana dhacdadan oo Soomaali kale ay ka dambeysay ay noqotay mid aad looga hadalyo hayo guud ahaan wadankaasi.