Ahlu-Sunna oo isku tegay meel u dhow Dhuusomareeb, sheegay bartilmaameedkooda

Bohol (Caasimada Online) – Tan iyo markii Xoogaga Ahlu Sunna ay Arbacadii isaga baxeen Magaalada Guriceel ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isku uruursanayaan deegaanka Bohol, oo dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegaya in haatan uu bartilmaameedkooda koobaad yahay maleeshiyda Al-Shabaab, si ay kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa Jimcihii sheegay inaysan duulaan ku ahayn Maamulka Galmudug, balse ay doonayaan in ay Shabaabka ka saaraan gobolka intiisa kale.

“Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu waxa ay tahay in qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ka dulqaadaan ummadda Soomaaliyeed, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiiliyaan mar kasta, oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan Xuseen.

Waxaa uu ku celiyay inaanu qorshahoodu qayb ka ahayn dagaal ay la galaan Galmudug, taasi bedelkeedana ay Galmudug ugu baaqayaan nabad.

“Ahlu Sunna Waljameeca mar kasta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan.

Waxa uu intaa ku daray “Anaga dagaalkayaga hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkayagu wuxuu ku wajahan yahay Shabaab, waxaa qorshahayagu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u khalmaan inay dhintaan, inay na dilaan uma khalmaan, inaan dilnana uma khalmaan.”

Cabdisalaan Aadan ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ku eedeeyay in aanay dhab ka ahayn la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, halka Ahlu Sunna ay ka go’an tahay inay wiiqdo maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu yiri.

“Hadafka Ahlu Sunna Waljameeca ay mar kasta u taagan tahay waa hadaf cad, oo ah in lagala dagaalamo cadowga ummadda Soomaaliyeed dhiigga ka jaqaya,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan.

Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa mar sii horeysay sheegay in soo rogaal celinta Xoogaga Ahlu Sunna ay ka dambeysay, ka dib markii ay dagaalada beelaha ku soo bateen Gobolada Dhexe iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday Galmudug.

“Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto. Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaalada qabaa’ilada ee deegaanka ku soo batay iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday gobolka, waxaana fursadaasi abuuray Maamulka Galmudug. Waxay rabaan siyaasad ahaan in dib u qabsadaan mamaulkii horey looga saaray, oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta ka jirto,” ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

Sideed iyo toban bilood oo Ahlu Sunna ka maqneed Gobolada Dhexe ayaa la fahamsan yahay in ay Shabaabku culeys soo saareen Galmudug, iyagoona maamulka kala wareegay deegaano dhowra.