GALMUDUG oo shaacisay in dhaawacyadii Ahlu Sunna la geeyey magaalada Garowe

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Axmed Mire Faafaale oo ah wasiiru dowladaha wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladda dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Guriceel ee la geeyey Gaalkacyo, kadib booqasho oo uu wasiirku ku tegay isbitaallada lagula tacaalayo xaaladda dadaasi oo askar u badan.

Faafaale ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay dhaawacyadeeda geysatay deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Garoowe iyo waqooyiga Gaalkacyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta badan dhaawacyada kooxdaasi runtii waxaa la geeyay sida aan ka warhayno waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland sida Garoowe,’ ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawacyada la geeyey dhinaca isbitaallada Galmudug, si isku mid ah loo daaweynayo, iyada oo aan loo eegeyn aragtida ay aaminsan-yihiin.

“Dhaawacyadii soo gaaray isbitaaladda Galmudug si sax ah oo siman oo cadaalad ah ayaa loogu adeegay lamana takoorin, lama dhibaatayn waana waajib wasaaradda saaran oo uu bixiyay madaxweynaha Galmudug” ayuu yiri wasiir Axmed Mire Faafaale.

Guddoomiyaheeda gobolka Mudug ee Puntland ayaa horey u beeniyay inay garab siiyeen Ahlu Sunna, kadib dagaallo ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay mas’uuliyiinta labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa eedeyno isku marinayey warbaahinta, kuwaas oo la xiriira dagaalkii Guriceel.