Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka horyimid habraacii ay soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa war kasoo saaray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan bilaabaneysa, gaar ahaan mida gobollada waqooyi ee Somaliland.

Ugu horreyn guddiga ayaa ka horyimid habraaca ay shalay si wadajir u soo saareen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan kuraasta gobollada waqooyi.

Guddigu wuxuu sheegay in qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee habraacan uu ka hor imaanayo mas’uuliyadda loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka ee ah inay iyaga go’aan kama dambeys ka gaaraan cabashada ka dhalata doorashooyinka, halka habraaca lagu sheegay inay xallin doonaan wixii tabasho ah guddoonka sare ee doorashada Somaliland.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka.

“Habraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ee gobollada waqooyi (Somaliland) ee soo baxay tr: 30/10/2021, qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad ee u qoran sidatan (wixii khilaafaad ah ee ay guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxa xallin doona oo go’aan kama dambeys ah ka gaaraya guddoonka sare ee doorashooyinka Somaliland). Wuxuu caddeynayaa in qodobkan uu si toos ah uga hor imaanayo mas’uuliyaadka loo igmaday guddiga xallinta khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashooyinka dabadan 2020,2021,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashooyinka.

Qoraalka guddiga oo maanta soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in marwalba la dhowro heshiiska ay doorashada ka gaareen golaha wada-tashiga qaran.

”Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashada wuxuu xasuusinaynaa guddiyada maamulaya doorashooyinka heer dawlad goboleed (SEIT) iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal (FET) in ay dhawraan dhamaan heshiisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan war-murtiyeedkii shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulista ergooyinka doorashada iyo qodobkiisa saddexaad ee hindisaha daahfurnaanta doorashada 2021″ ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa ugu baaqay guddoonka sare ee doorashada kuraasta Somaliland inay saxaan khaladaadka ku jira habraaca doorashada golaha shacabka gobolada waqooyi, siiba qodobka 3-aad farqaddiisa 12-aad.