Arinta Qalbi Dhagax waa shirqool loo dhigay madaxweyne Farmaajo

Saakay aroortii ayaan xaqiijiyay in mujaahid C/kariin Qalbi Dhagax loo dhiibay Dowladda Itoobiya aroortii hore ee maalintii Arbacadda kadib markii aan la hadlay xubno ka tirsan Villa Somalia, sidda ay xogta iigu sheegeen waxaa ay Itoobiya iyo Somalia ku heshiiyeen inaan Qalbi Dhagax loola macaamilin sidii qof afduuban oo kale ,laakiin uu Itoobiya kala shaqeeyo sidii uu kusoo xero galin lahaa xubnaha kale ee saaxibadiisa ONLF , tusaale qaabkii Muqtaar Rooboow kula heshiiyay Dowladda Somalia, si kastaba taasi ma’ahan arin Soomaalidda careysan lagu qanci karo lamana hubo iney Itoobiya sidaas balanka sidaas u fulin doonto.

Arintaan waxaa ay hoos u dhigtay 70% kalsoonidii shacabku ku qabeen madaxdda Dowladda, sidoo kale waxaa ay niyad jab ku riday dad badan oo taageero u ahaa Dowladda madaxweyne Farmaajo, dad badan waxa ay ku gafeen madaxweynaha oo ay ku tilmaameen inuusan wadani aheyn ,laakiin hubanti wadaniyadu ma’ahan wax saacad saacad isku badala sidaa darteed hadii madaxweyne Farmaajo shalay ahaa wadani ,maantana waa wadani.

Arinta Qalbi Dhagax ma’ahan arin fudud, wuxuu ahaa kuxigeenka abaanduulaha ONLF, markii aad rabto inaad cabirto waxa ay ka dhigantahay xaaladda dhiibista Qalbi Dhagax waxaad ku jaan goysaa “Aabaha oo ay Itoobiya dishay aabihiis, walalihiis, ayna naafeysay gabdho la dhashay, ay ka bur burisay wixii uu hanti lahaa, ayna ka qaadatay dhulkii uu lahaa, kaas oo kadib go’aansaday inuu cadawgaas iska celiyo laakiin dadkii ehelka u ahaa ee uu soo maciinsaday ay inta qabteen ay u dhiibeen cadawgii sidaas  yeelay isaga iyo dadkiisa, sidee dareenkaagu noqon lahaa hadii uu yahay aabaha qofkaas la dhiibay ?… hadaba kasoo qaad inuu aabaha yahay Qalbi Dhagax.

Dhowr xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo aan shalay ilaa xalay arkay waxaa ay qabaan in madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashandhiga iyo taliyaha Nisa ay tahay iney yimadaan Baarlamaanka hortiisa oo ay arinta ka jawaabaan ayna masuuliyadda ciddi qaadato.

Sidda ilo xogogaal ah sheegeen ,madaxweyne Farmaajo kuma jirin 4-ta qof ee Itoobiya lasoo gashay heshiiska lagu dhiibay C/kariin Qalbi Dhagax, waxaa loo keenay heshiis iyadoo lagu qanciyay markii meelo kale wax laga tusay , Ragaas labo ka mid ah ayaa raacay diyaaradii Qalbi Dhagax lagu geeyay Baydhabo ka hor inta aan lasii qaadin, Farmaajo waa bini’aadam waana la qiyaami karaa, waxaa uu lee yahay cadaw badan oo la shaqeeya isaga waana arin u baahan in deganaan lagu wajaho, Farmaajo waa inuu dhowr su’aalood is weydiiya uuna qaada talaabo sax ah, arinta Qalbi Dhagax waa iney shaqsiyaad xilkooda ku waayaan walibana aysan waligood dambe soo hor istaagin Soomaalidda.

Arintaan waa shirqool ee yaa alifay, yaa afartaas nin u xilsaaray heshiiska, ma jirtaa dan u qaas ah oo ay ka lee yihiin ragaasi Itoobiya, horey ma u jiray xiriir ka dhaxeeyay afartaas nin iyo Dowladda Itoobiya , yaa soo sawiray isagoo xiran Qalbi Dhagax , yaa sheegay in lagu yiri markii Baydhabo laga dajiyay, “ha cabsan waxaad u socotaa dalkaagii rasmiga ahaa ee Itoobiya ?

Halkaan ayey kasoo bixi doonaan jawaabaha sidda uu madaxweyne Farmaajo isaga bad baadin karo fal-celinta ka dhalan karta arintaan Qalbi Dhagax , waxaan ku kalsoonahay wali inuusan Farmaajo aheyn Qaa’inul wadan, laakiin waxaa ka badatay daacadnimadda taasina waxaa ay keentay inuu aamino dad aan u qalmin taasina ay keentaan iney shirqoolaan.

Madaxweyne Farmaajo markii uu helo jawaabaha la xiriira su’aalaha aan kor kusoo xusay waa inuu deg deg usoo saaraa bayaan ay ciqaab la socoto , sidda inuu cadeeyo cidii shirqoolkan dhigtay, inuu shaqadda ka ceyriyo iyo inuu xabsi u diro si loo maxkamadeeyo qaran dumiska,shirqoolka iyo gafka u geystay muwaadin Qalbi Dhagax.

Farmaajo waa inuusan hadlin isagoo aan baaris sameynin oo aan ogaanin cidda shirqoolkaan dhigtay,Qalbi Dhagax ma’ahan muwaadin Itoobiyaan ah. 

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Email: raafac22@gmail.com