Armenia iyo Azerbaijan oo heshiis ka gaaray dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh

mMuqdissho (Caasimada Online) – Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa ugu dambeyn heshiis hor-dhac ah ku gaaray magaalada Mascow ee caasimadda wadanka Ruushka, sida uu shaaciyey wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Sargey Levarov.

Labada dhinac ayaa yeeshay wada-hadallo qaatay muddo illaa 10-saacadood ah, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirku, waxayna gaareen heshiis xabad-joojin ah, si loo qaboojiyo xiisada ka taagan gobolka lagu muransan-yahay ee Nagorno-Karabakh.

Sidoo kale wada-hadalladan waxaa qeyb ka qaatay hay’adda caalamiga ah ee Laan Qeyrta Cas, sida uu isna shaaciyey diblumaasi sare oo ka tirsan dowladda Ruushka.

Waxa kale oo kulanka dhex-dhexaadinta Armenia iyo Azerbaijan ka qeyb-qaatay Ururka Iskaashiga ee Midowga Yurub iyo labada wasiir ee arrimo dibadeed ee labada dal.

Si kastaba ha’ahaatee dhaqan-gelinta heshiiska xabad joojinta ayaa bilaaban doono maanta oo Sabti ah, 10-ka October ee sanadkaan 2020-ka.

Sidoo kale labada dowladood ayaa is-weydaarsan doono maxaabiistii ay kala qabsadeen intii ay socdeen dadaalladii dhex-maray Armenia iyo Azerbaijan.

Dagaalladii cuslaa ee faraha looga gubtay ee dhex maray dalalka Armenia iyo Azerbijan, islamarkaana billowday 27-kii bishii la soo dhaafay September ayaa waxaa ku dhintay dad gaaray illaa 3000 oo qof, halka kumanaanna kale ay guryahoodii ka barakeceen.