Sirdoonka Kenya oo afduubtay Liibaan Cumar, 5 daqiiqo kadib markii la fasaxay

Nairobi (Caasimada Online) – Qareen Kenyan ah ayaa sheegay in dabley uu u maleynayo inay ka tisanyihiin sirdoonka Kenya ay afduubteen kalyantigiisa kadib markii ay maxkamad ku weysay inuu ku lug lahaa weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen moolka Westgate 2013, kaasi oo lagu dilay 67 qof.

Mbugua Mureithi ayaa sheegay in dableyda ay afduubteen Liibaan Cumar shan daqiiqo kadib markii lasii daayey. Liibaan ayaa Arbacadii lagu waayey wax dambi ah kadib toddoba sano oo xabsi lagu hayey.

Laba qof oo kale oo lala maxkamadeeyey, Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafa ayaa lagu helay dambi ah inay shirqooleen ficil argagixiso ayaga oo taageeraya kooxda Al-Shabaab.

Mureithi ayaa sheegay in Liibaan ay sii daayeen mas’uuliyiinta xabsiga, kadibna lagu wareejiyey qeybta ka hor-tagga argagixisada ee booliska (ATPU), si ay fasaxaan.

Mureithi ayaa intaas ku daray in durbadii uu Liibaan ka tegay xarunta ATPU, isaga oo ay la socdaan afar qof oo qaraabo la ah, uu is hortaagay gaari madow oo xanibay taksi waday kadibna ay isku hareereeyeen rag hubeysan.

“Haween la socda ayaa sheegay inay qeyliyeen, kadibna rag hubeysan oo sheegay inay ka tirsan yihiin hay’adaha ammaanka ayaa ku amray inay aamusaan,” ayuu yiri Mureithi.

“Waxay u muuqataa in hay’adaha amniga aysan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda,” ayuu yiri.

Madaxa booliska Nairobi Rashid Yacqub ayaa sheegay inay baarayaan afduubka Liibaan, hase yeeshee waxa uu yiri eedeynta la xiriirta in booliska ay ku lug lahaayeen ay tahay “mala-awaal.”

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in Xasan Abuukar oo ay walaalo yihiin Liibaan uu ka mid ahaa afar qof oo fuliyey weerarkii Westgate. Hase yeeshee qoyska Liibaan ayaa sheegayin Xasan uu aaday dalka Libya maalmo ka hor weerarka.