Daawo: Xaad oo shaaciyey in ‘shirqool dil oo lala maagan yahay’ taliyihii Danab, una dhaartay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoona Maxamed Xaad ayaa ka deyriyay xaalada taliyihii ciidanka Danab Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo muddo ku dhow labo bil u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay.

Nabadoon Xaad ayaa si adag ugu digay madaxda sarre ee dowladda federaalka Soomaaliya isaga oo shaaciyay inay jiraan xubno ka tirsan dowladda oo shirqool u maleegaya Ismaaciil.

Nabadoonka ayaa sheegay inay soo gaartay in la rabo in Ismaaciil loo wareejiyo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku xiran yihiin dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, isla markaana la rabo inay ku dhex dilaan xabsiga, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku dhaartay in tallaabo ay ka shallaayi doonaan ay ka qaadayaan xubnaha abaabulaya shirqoolka lagu khaarajinayo Ismaaciil Maalin.

Sidoo kale waxa uu xusay in Ismaaciil loo bartilmaameedsanayo qabiil ahaan, maadama ay isku beel-yihiin ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre.

Wuxuuna ku eedeyay Villa Somalia inaysan rabin dowladnimo, isla markaana ay ku howlan-yihiin dembi qoorta ay u galiyaan taliyaha xiran.

“Waxaan cod dheer ku sheegeynaa oo aan la gabaneynin, haddii ninkaasi wax gaaraan saameyn ay ka shallaayaan ayaa kasoo gaari doonta ragga shirqoolkaasi ka shaqeynaya,” ayuu yiri.

Wuxuuna kusii daray “Waan xishooneynaa, wallaahi haddii ay arrintaasi sidaas ku fusho saameyn ay ka shallaayaan ayay ku yeelan doontaa. waxaan ballan qaadeynaa Xamar in laga sameeyo mudaaharaadyo ay ka naxaan.”

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa muddo ku siman labo bilood ka hor shaqo joojin ku sameeyey taliyaha ciidamada Danab ee Soomaaliya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, arrintaasi oo si weyn uga xumaaday Mareykanku.

Ma cadda sababta dhabta ah ee shaqada looga joojiyey taliye Ismaaciil, hase yeeshee waxa muddooyinkii dambe socday is-badallo u muuqda in meesha looga saarayey dhalinyarada joogo hoggaanada Ciidamada xoogga dalka ‘ee aan la isku hubin’, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah, taasi oo uu waday taliska xoogga dalka.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa sidoo kale lagu tirinayaa inuu si aad ah ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo ay isku beel yihiin, inkasta oo la sheegay in taliyaha uusan wax qabyaalad iyo xulufeysi shaqo ku lahayn oo uu shaqadiisa un ku eg-yahay.

Hoos ka daawo Xaad