War cusub oo kasoo baxaya sababta geerida Cali Khaliif – Maxaa ka jira in la dilay?

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Jigjiga (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galeyr oo ra’isul wasaare kasoo noqday Soomaaliya ayaa isagoo 78-jir ah ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada dowlad deegaanka Cali Khaliif Galeyr wuxuu u dhintay xanuunka Covid19. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mukhtaar Yuusuf ayaa shaaciyay inay arrintaas ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen.

Hase yeeshee waxaa hadda soo baxaya warar taas ka duwan. Cadaani Hirmooge oo ah hogaamiyaha ururka ONLF ayaa sheegay in Cali Khaliif Galeyr la sumeeyay islamarkaana jirkiisa uu isbadalay.

“Odayga cunto ayaa lagu sumeeyay baal la yiri – wuu shubmay, wuu matagay, qandho ayaa qabatay, jirkiisana wuu isbadalay, jimcadii beyna bilaabatay howshaan,” ayuu yiri hogaamiyaha.

Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sababta rasmiga ah ee ka dambeysa geerida Cali Khaliif Galeyr, mana jiraan baaritaan la dalbaday oo la sameynayo.

Dowladda Soomaaliya waxey magacowday guddi qaban-qaabinaya aaska qaran ee Cali Khaliif, balse ma jirto wax baaritaano ah oo ay ku dhawaaqeen si loo ogaado sababta uu u geeriyooday.

Dadka siyaasadda falanqeeya waxey maleynayaan iney jirtay cadaawad hore oo kala dhaxeysay Itoobiya maadaama uu sanadkii 2000 ciidamada Itoobiya ka saaray Gedo oo ay ku sugnaayeen muddo afar sano ah.