Xasan Cali Kheyre oo tegay Nairobi – Ujeedka safarkiisa iyo waxa ka socda Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, waxeyna ujeedadiisa tahay inuu halkaas ka xoojiyo ololahiisa doorashada.

Xasan Cali Kheyre oo goor hore ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ayaa xukuumadiisa la tuuray dhamaadkii July ee sanadkaan, wuxuuna soo dhameeyay safarkiisii wadanka Jabuuti.

Wararka la helayo waxey sheegayaan inuu Kheyre ololahiisa halkaas ka xoojin doono, wuxuuna la kulmi doonaa xubno ka tirsan dowladda hadda jirta iyo sidoo kale siyaaasiinta qudhooda u hanqal taagaya doorashada.

Magaalada Nairobi waxaa ku sugan xubnaha ugu badan ee doonaya iney isi soo sharaxaan xilka madaxtinimo, waana meel sanadahii ugu dambeysay aheyd halka laga jaangooyo siyaasadda dalka.

Waxaa la xasuustaa in madaxweyne Farmaajo uu ololahiisa madaxtinimada kasoo bilaabay Nairobi dhamaadkii 2016, waxaase la sugi doonaa hadii Nairobi ay mar kale soo saarto madaxweynaha xiga.