Getachew Reda: Abiy waxa uu la mid yahay hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya, wuxuuna iclaamiyey dagaal

Mekelle (Caasimada Online) – Waxaa kasii dareysa xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka Ethiopia iyo ismaamulka Tigray ee uu hoggaamiyo xisbiga TPLF, ayada oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhex qarxo labada dhinac.

Getachew Reda, oo ka mid ah guddiga fulinta ee TPLF, ayaa ku hanjabay tallaabo ka dhan ah dowladda, isaga oo sheegay in dadaal kasta oo la isku dayayo in adeegyada dowladda looga joojiyo gobolka Tigray uu la macno yahay “iclaamin dagaal.”

Waxa uu tixraacayey go’aan kasoo baxay baarlamanka Ethiopia oo ugu baaqay dowladda inay xiriirka u jartay gobolka, taasi oo ka dambeysay markii TPLF ay ugu baaqday xubnaheeda inay ka baxaan dowladda Ethiopia.

Getachew Reda ayaa sidoo kale ugu yeeray Abiy Ahmed inuu yahay hoggaamiye kooxeed la mid ah dagaal oogayaashii hore ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, gobolka Tigray ayaa ku hanjabay inuu joojin doono canshuurta uu dowladda federaalka uga ururiyo gobolka, taasi oo lagu dabooli doono dakhli kasta oo dowladda ay ka jarto gobolkaas.

Ismaamulka Tigray-ga waxa uu shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday 5-tii October.

Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa doorashooyinkii guud ee federaalka Ethiopia ee lagu waday inay dhacaan bishii August balse uu dib u dhigay Abiy Ahmed oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus.