Maxay geerida Cali Khaliif ka beddeleysaa heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo?

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo warbixin caafimaad oo la faafiyay lagu sheegay inuu u geeriyooday COVID19.

Haddaba waxey su’aal ka timid halkuu ku dambeyn doonaa heshiiskii u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo State, waxaa su’aashaas la hordhigay gudoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

“Cali hadduu geeriyooday heshiiskii waa nool yahay annaguna waan nool nahay, insha Allah waa la dhammaystiri doonaa. Cali wuxuu doonayey in waddanka aan la kala sarrayn oo caddaalad la gaadho oo la fidiyo maamulka, wuxuu odhan jirey Yoocada, Insha Allah Yoocadiina waan gaadhi doonnaa,” ayuu Eng Feysal Cali Waraabe u sheegay idaacadda BBC-da.

Haddaba nuqul ka mid ah heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Khaatumo State ayaa sidaan ahaa:

  • In la helo cadaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho.
  • In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
  • In khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
  • In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan caddaalada iyo Sinnaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro.
  • In Somaliland, ururada samafalka iyo hey’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ay ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo In ciidamada hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo, oo Somaliland ay yeelato ciidan qaran oo suga xuduudaha, jirintaanka iyo danaha Somaliland.

Heshiiskaan waxaa la gaaray 20-ka Octoobar 2017, waxaana xiligaas Somaliland hogaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, balse tan iyo markii ay xukuumadii Muuse Biixi timid wax badan oo hormar ah lagama sameyn heshiiskii kal hore la gaaray.